hadhwanaagnews
Nuxurka Buuga "The Leadership of MUHAMMED". By John Adair.
Hogaamintii Nabi Muhammad NNHH.
Tabintii: Axmed Cali Kaahin.
John Adair waa qoraaga buuga caanka ah ee la yidhaa The Leadership of MUHAMMAD. Naxariis iyo amaani dushiisa ha ahaatee nabigeena, qoraagu waa xeel-dheere u dhashay dalka Ingiriiska oo hormood u ah aqoonta hogamaainta ee loo yaqaan Leadership waa shakhsiga loogu tixgalin badan yahay dunida marka la joogo aqoonta horumarinta hogaaminta ee ku saabsan hogaamiyaasha. In ka badan milyan maamulayaal iyo hogaamiyayaal oo dunida ka kala socda ayaa ka qayb qaatay casharadiisa hogaaminta ku saabsan ee uu hormoodka ka yahay.
Sidoo kale waxa uu leeyahay khibrado kala duwan oo nolosha ah waana dadkii tirada yaree ee shaqaale dawladeed uga noqda dalkiisa ingiriiska dhulka Carbeed kana shaqeeyay. Hadda waa guddoomiyaha hogaaminta saadaasha mustaqbal ee jaamacada qaramada midoobay ee ku taala Turin, waxa uu tababaray badi hogaamiyaasha qaramada midoobay iyo dunida kale.
Dhinaca kale waa dadkii u horeeyay ee u socdaala dhulka carbeed, halkaas oo uu ka noqday kaaliye maamulkii reer baadiyaha Carbeed . 1979 kii wuxuu noqday barafoseerkii dunida ugu horeeyay ee barashada hogaaminta ee jaamacada Surrey, Iyo macalin lataliye ah, sidoo kale waxa uu qoray in ka badan 50 buug, oo ay kamid yihin Leadership classis,Not BOSESS but leaders sidaasi oo kale HOW TO GROW leaders oo la daabacay. Iyo buugan hadda aynu soo koobayno nuxurkiisa ee la yidhaa The Leadership of Muhamed Naxariis iyo ammaani dushiisa ha ahaatee oo uu Nabigeena ka qoray hogaamintiisii kuna tilmaamay in hogaamin oo dhami ku idishahay.
Qodobada ugu Muhiimsan Buuga: The Leadership of MUHAMMAD ee John Adair.
ü Hoggaamiyuhu waa inuu astaan shaksiyadeed u noqdaa sifooyinka laga filayo, looga baahan yahay, laguna qadariyo shaqadiisa. Tusaale ahaan, hoggaamiyaha ciidanku waa inuu muujiyo geesinimo, taas oo loo tixgeliyo ‘dhaqanka iyo sifooyinka askariga.’
ü Geesinimadu waa sifo uu muujiyey Nabi Muxammad (NNKH) dagaalkii Xunayn; waa awoodda u sahlaysa dadka inay wajahaan khatar iyaga oo aan cabsi u jixin-jixin, inay si geesinimo leh u dhaqmaan marka ay cadaadisyo jiraan, ama ay adkaystaan xilliyada dhibaatooyinka. Taasi oo uu sameeyay dagaal-kaasi oo saxaabadu dhabarkiisa ku dhuumanaayeen. Waa in hogaamiyuhu ku hogaamiyaa geesinimada oo ciidanku isaga ku daydaan taasi ayaa keenaysa in aad guusha ku hogaamiso.
Maaha waxaad tidhaa waa waxa lagaa arko wakhtiga xaaladu adag tahay iyo sidaad u dhaqanto ayaa dadka saamaynaya oo quluubtooda taabanay una noqonaya tamar ay ku sii taagnaadaan.
ü Dhammaan xubnaha kooxaha shaqada haya, ururada ama bulshooyinka waqti kasta oo taariikhda la yaqaan waxay wadaagaan hal arrin oo ay isku mid ka yihiin dhammaantood waa dad leh dabeecada aadanaha oo mideysan oo joogto ah. In ay dhamaan aadame isku mid ah yihiin dadkii hore iyo dadka hadda nool oo wax si isku mida ayaa saameeyo.
ü Haddaba, hoggaamiye caalami ah wuxuu noqonayaa qof muujiya sifooyinka gaar ahaan aadanaha lagu garto sida wanaagga, naxariista, insaaniyadda, iyo daryeelka. Ma aragtay mid ka mid ah sifooyinkan Nabi Muxammad (NNKH)?. Haa dhamaan wuu lahaa tusaalaha ummadana wuu ahaa dhanwalba nabad ama dagaal deeqsinimo naxariis iyo dulqaad iyo jacayl, sabir. Iyo kuwa badan oo taariikhda ku suntan.
ü Sifo kale oo guud oo ay leeyihiin hoggaamiyeyaasha caalamiga ah waa is dhul-dhigid. Ereygaas "humility” wuxuu ka yimid afkii Laatiinka ee human oo micnihiisu yahay "dhulka” ama "ciidda”, kuna xidhan ereyga homo oo macnihiisu yahay "bani’aadam”. Markii Nabi Muxammad (NNKH) uu gogoshiisii dhigay, is dhul-dhigida, una fadhiistay dhulka isaga oo la jooga dadka heer isku mid ah, waxay ahayd calaamad is dhul-dhigida ah. Isbarbar dhig boqor kursi sare ku fadhiya, ka sareeya dadka uu xukumo, kuwaas oo isaga hortiisa isu tuura si way u wayneeyaan. Labadaa sawir quluubta dadka saamayn kala duwan bay ku yeelanasaa.
Sida ay Ghana ku yiraahdaan: ‘Ha filan in laguu keeno kursi markaad booqanayso meel uu madaxoodu dhulka fadhiyo.’ Waa beesha ayaa u sheegta hoggaamiyaha sida uu shaqadiisa u gudanayo.
ü Maahmaah Carabeed: "Beeshu waa tan hoggaamiyaha tusisa sida uu xilkiisa u guto” lahaa.” Q/2aad….
Waxa qoray: John Adair: Tabintii: Axmed Cali Kaahin. [email protected]
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!