Somaliland iyo Aqoonsiga Caalamiga ah: Riyo, Dhalanteed, mise Rajo?

Thursday October 30, 2025 - 15:13:15
hadhwanaagnews
Aqoonsiga de jure:Waa aqoonsi buuxa oo sharci ah , sida Jabuuti, Kenya


Tan iyo markii uu Somaliland ku dhawaaqay madaxbannaanideedaa 1991-kii, hoggaamiyayaashiisu waxay ku celcelinayeen in aqoonsigu "dhaqso” imaan doono. Madaxwynaha hadda jooga Ciro wax uu sheegay in sanadku inta uu dhamaan ama mudo xileedkiisa inuu keeno aqoonsiga. Suaashu waxay tahay surtagal miyaa mise waa dhalanteedkiiin ka badan 34 sano ay ku jireen dawladiihii kala dambeeyey. Inkastoo horumaro muuqda jiri karaan gudaha, suaashu bal an eegno noocyada kala duwan ee aqoonsiga caalamiga ah aqoonsiga de factoama aqoonsiga de jure.
 
  • Aqoonsiga de facto:Waa marka waddan la aqoonsado si ku meel gaar ah ama si dhab ah oo aan sharci buuxda ahayn, sida Taiwan, Kosovo
  • Aqoonsiga de jure:Waa aqoonsi buuxa oo sharci ah , sida Jabuuti, Kenya


Marka haddii an firino aragtida ah qanuunka calamigamidna ma hayso Somaliland inkasto ay wadamo gaar ah ay la macaamilan sida UK, Taiwan iyo Ethiopia arrimo amni, ganacsi ama socdaal dartood balse ma jiraan safaarado caalami ah ama xuquuq dawladnimo oo rasmi ah.Inkasto ay jirtotaageero sida xubno kamid ah aqalka senatka maraykanka iyo barlamaanka UK, balse ma beddelayo mowqifka caalamiga ah ee ah in Somaliland tahay qayb kamid ah Somalia.
 
Sababaha ugu adag inuu aqoonsigu so socon waxa weeyi:
 
  1. Mabda’a midnimada iyo xuduudaha dawladaha ee Afrika ayaa ka hor istaagaya in taageero rasmi ah la siiyo Somaliland.
  2. Ma jiro isfaham caalami ah oo ku saabsan in Somaliland la aqoonsado, awoodaha waaweyn iyo ururrada caalamiga ah waxay taageersan yihiin Somalia midaysan.
  3. Xal siyaasadeed ka dhexdhaca Soomaliya iyo Somaliland ayaa loo arkaa wado macquul ah halkii lagu kala tegi karo rasmi ah.
  4. Aqoonsiiga Maamulka KMG ah ee Waqooyi Bariee bariga gobolaada Sool iyo Saaag ee bishii May 2024 oo ku imid rabitaanka shacabka.
Prof Ahmed I. Samatar oo wax badan ka qorey arimaaha soomalida waxa uu idhii qorshe ama strategy cad oo meel ku qoran ma jirto oo ay dowladiihii uu dambeeya ay dhigeen. Ta kale afti kama dhicin Somaliland tan iyo markii ay ku dhawaaqday madax-bannaani, taas oo ku saabsan in gobolka uu sii ahaanayo qayb ka mid ah Soomaaliya ama uu madax-bannaani qaadanayo. Xaqiiq noocan oo kale ah ayaa caawin doonta waxayna muujinaysaa rabitaanka dadka taas oo fududayn karta in hay’adaha iyo dalalka kale ay dheg u dhigaan hadalkaaga ama doodaada.
Gunaanadka waxaa weeyi in la rumaysnaado in aqoonsiga buuxa ee Somaliland "soo socda” ama ”daaqada saaran” yahay waa mid ka tarjumaya rajada gudaha ee dowlada Ciro, balse xaqiiqadu waxay tahay in waddo dheer loo maro oo riyada badan laga dhaafo shacabka. Taas bedelkeeda, xalka dhabta ah wuxuu ku jiraa wada-xaajoodyo iyo heshiis dhex mara Somaliland iyo dowladda federaalka Somalia.

W/Q: Ciid Xaashi  <[email protected]>
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...