Albaabka Cusub ee Geeska Afrika: Maalgelinta Istaraatiijiga ah ee Cigaal International Airport

Saturday September 20, 2025 - 12:06:34
hadhwanaagnews
Mashruucan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara kobcinta dhaqaalaha



Jamhuuriyadda Somaliland ayaa mar kale xaqiijisay in ay tahay dal furfuran oo dimuquraadi ah, isla markaana diyaar u ah in ay dhammaan waddamada beesha caalamka la yeelato xidhiidh wanaagsan oo ku saleysan iskaashi dhaqaale, ganacsi, maalgashi iyo dan-wadaag istiraatiiji ah. Xukuumadda wadajir iyo waxqabad ayaa arrintan si dhab ah u iftiimisay ka dib markii toddobaadkan si rasmi ah loo saxeexay heshiis taariikhi ah oo lagu dhisayo, laguna casriyeynayo Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa (Egal International Airport), taasoo ah tallaabo weyn oo kor u qaadeysa kaabeyaasha dhaqaalaha iyo xidhiidhka caalamiga ah ee JSL.

Xukuumadda iyo Hoggaaminta Madaxweynaha Qaranka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro waxay muujinayaan sida ay Jamhuuriyadda Somaliland uga go’an tahay horumarinta kaabeyaasha muhiimka ah, si loo abuuro jawi dhiirrigeliya maalgashiga iyo koboca dhaqaalaha, kaas oo u gogol xaadhaya iskaashi waxtar leh oo lala yeesho shirkadaha waaweyn ee ka shaqeeya maalgashiga iyo waddamada horumaray ee caalamka. Heshiiskan oo dhexmaray Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarada iyo shirkadda caalamiga ah ee International Maharat Investment, ayaa lagu kala saxeexay xarunta dhaqaalaha caalamiga ah ee Dubai (Dubai International Financial Center: DIFC). Mashruuca ayaa lagu qiyaasay inuu ku kacayo$70 milyanoo dollar, wuxuuna noqonayaa maalgelintii ugu weynayd ee abid lagu sameeyo kaabayaasha duulista hawada ee Somaliland.

Mashruucan taariikhiga ah ayaa rayul-caamka guud ee shacabka reer Somaliland ay ku tilmaameen inuu yahay "Albaab Istaraatiji ah oo cusub oo u furmay Somaliland iyo guud ahaan Geeska Afrika”. Heshiiskan cusub waxa uu noqonayaa mashruuca labaad ee ugu weyn maalgashiga shisheeye ee ay Somaliland hesho abid, waxaana uu ku soo beegmay xilli ay xukuumadda wadajir iyo waxqabad si xawli ah u ballaadhinayso xidhiidhkeeda caalamiga ah, iyada oo xoogga saaraysa horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Mashruucan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara kobcinta dhaqaalaha dalka, isla markaana kor u qaadi kara kalsoonida maalgashadayaasha, ganacsatada iyo dalxiisayaasha caalamiga ah, kuwaas oo Somaliland u arka suuq cusub iyo fursad weyn oo dahabi ah.

Fursadaha iyo Istiraatijiyadda ka dambeysa:

Heshiiskan ayaa ku soo beegmay xilli ay quwadaha iyo waddamada waaweyn ee adduunku ay ku baraarugeen muhiimadda istaraatiijiyadeed ee ay leedahay Somaliland. Wuxuu muhiimad gaar ah u leeyahay, maadaama Somaliland ay xoogga saarayo ballaadhinta xidhiidhkeeda caalamiga ah, iyadoo dhisaysa kaabayaal muhiim ah oo albaab u noqon kara soo jiidashada indha beesha caalamka iyo maalgashiyo cusub.

Fursadaha Somaliland:

Somaliland ayaa ka faa’iidaysaneysa booskeeda istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika, iyada oo leh xeeb leh muhiimad juquraafiyadeed, taas oo dhererkeedu yahay 850 Km oo ku teedsan gacanka Cadmeed iyo badda cas, iyada oo lagu kaabayo casriyaynta madaarka Hargeysa oo hadda noqonaya xarunta isku xidhka Bariga Afrika iyo caalamka.

Mashruucan ayaa sidoo kale tilmaamaya sida Somaliland ay uga go’an tahay xaqiijinta yeelkeeda la xidhiidha isku filnaansho, gaar ahaan iyadoo horumarinaysa kaabayaasha dhaqaalaha ee saameeya koboca dhaqaalaha, shaqo abuurka, iyo isku socodka dadweynaha.

Isbeddel Siyaasadeed:

Dhinaca kale, Hirgelinta Siyaasad cusub ee helitaanka fiisaha marka la yimaaddo madaarrada Somaliland, gaar ahaan Madaarka Hargeysa (visa-on-arrival) ayaa ah tallaabo kale oo loo qaaday dhinaca horumarintaa xidhiidhka caalamiga ah, iyo abuurista saaxad furan oo maalgashadayaasha u sahlaya inay si fudud u yimaadaan Somaliland. Arrintan ayaa lagu tilmaamay mid taageero weyn u ah maalgashiga, dalxiiska iyo isu socodka dadka iyo badeecadaha.

Somaliland Oo Indhaha Caalamka Ku Haysa

Heshiiskan dhex maray Jamhuuriyadda Somalland iyo shirkadda maalgashi ee caalamiga ah ayaa lagu tilmaamay mid caddeynaya dedaaladda siyaasadeed iyo hal-gallada diblumaasiyadeed ee ay xukuumadda Somaliland ku doonayso in ay ku xaqiijiyo qorshaheeda horumarinta qaranka, gaar ahaan dhinacyada adeegyada duulista hawada.

Gunaanad

Dhismaha Madaraarka Caalamiga ah ee Egal waa waji cusub oo horumarineed: waa tallaabo istaraatiiji ah oo taariikhi ah, waana Albaab cususub oo u furmaya Somalialnd, gaar ahaan socdaalka, dalxiiska iyo ganacsiga, sidoo kale waa Calaamad muujinaysa kalsoonida maalgashadayaasha shisheeye, iyo aragti cusub oo muujinaysa in Somaliland ay boos weyn ku yeelanayso khariidadda maalgashiga caalamka.

Qore Axmed M. Saleebaan


     
Loading...