Maraykan iyo Siyaasaddiisa: Saaxiibtinimo Mise Maslaxad Kaliya?

Saturday September 13, 2025 - 13:22:48
hadhwanaagnews
1- Saaxiibtinimada Maraykan:


Dunida maanta aynu ku nool nahay waxaa hogaaminaya dano isdiidan, awoodo soo kala horjeeda iyo siyaasado mar walba is bedela.

Mid ka mid ah quwadaha ugu weyn caalamka ee arintan si gaar ah loogu arko waa Maraykanka (USA). Su’aasha muhiimka ahi waxay tahay: Maraykanku ma leeyahay xulafada iyo saaxiibo joogto ah, mise dano joogto ah oo qudha ayuu leeyahay?

1- Saaxiibtinimada Maraykan:

Marka ay dani jirto ayuu qof walba (saaxiib)
ka dhigtaa. Marka dantii ka dhamaato, si fudud ayuu uga jeestaa isagoo aan dib u xasuusan saaxiibtinimo.

Israaiil & Qatar: Wuxuu labadaba marba sidii uu u baahdo u adeegsaday:

Xuutiyiinta: Wuxuu la heshiiyey isaga oo iska indho tiray cadowgooda Israa’iil.

Jarmalka: Wuxuu ka jaray dhuumaha Gas-ta Nord Stream, isagoo dhaawacay dhaqaalahooda.

Taiwan: Wuxuu diiday in madaxweynahoodu in uu ku dego New York si uu raalli gelin ugu sameeyo Shiinaha.

Dhacdooyinkan waxay muujinayaan in Maraykanku aanu danayn saaxiibtinimo ama xulafonimo joogto ah, balse uu dano siyaasadeed iyo dhaqaale uun ku dhaqaaqo markaas joogta oo uu u baahan yahay.

2- Casharka laga baranayo:

Awoodaha waaweyn sida Maraykanka mar walba waxay ilaashadaan danahooda, balse saaxiibtinimo joogto ah lama laha.
Waxaa la yidhaahdaa:
(Caalamka siyaasadda, saaxiibo joogto ah ma jiraan, dano joogto ah ayaa jira).

3- Halista ku jirta isku halaynta Maraykan:

Dalalka yaryar ee ku tiirsan Maraykanka ama cid kale waxay halis ugu jiraan in danaha quwadahaas mar qudha lagu sadqeeyo. Taasi waxay sababaysaa:

In dhaqaalahooda iyo amnigooda la dayaco marka dani dhammaato.

In siyaasaddooda gudaha iyo dibedda lagu maamulo si aan dani ugu jirin shacabka.

In ay noqdaan kuwo mar walba ku tiirsan xoog shisheeye.

4- Sida looga jawaabi karo:

Xidhiidh lala yeesho quwadaha waa muhiim, gaar ahaan Maraykan oo saameyn weyn ku leh dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga caalamka. Laakiin xidhiidhkaasi waa in lagu saleeyaa dan iyo dheelitir siyaasadeed, balse aan lagu degdegin kalsooni buuxda.

Dalalka yaryar waa in ay:

Ku dedaalaan isku filnaansho dhaqaale iyo ciidan.

Ka feejignaadaan ballanqaadyada Maraykanka ee aan mararka badan dhab noqon.

Sameystaan xulufo kala duwan oo ka baxsan hal awood oo keliya.

*Gabagabo:
Maraykan cidna lama saaxiibna, cidna uma baahna. Waxa uu leeyahay dano, wuxuuna mar walba ilaashadaa dantiisa. Sidaa darteed, in la aamini karo oo keliya Maraykan waa khalad siyaasadeed. Dal kasta oo caqli leh waa in uu dhistaa siyaasad ku saleysan dan qaran, dheellitir iyo feejignaan joogto ah.


Qalinkii: Cali Biixi
[email protected]
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...