hadhwanaagnews
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasabadda 250-guurada ka soo wareegtay xornimada Maraykanka kaga hadlay horumarka dalka, amniga, sharciyada cusub iyo aragtidiisa mustaqbalka qaranka.
Trump ayaa sheegay in waxa uu ugu yeedhay "Riyada Maraykanka" ay dib u soo noolaatay, isaga oo ku ammaanay koboca dhaqaalaha, hal-abuurka iyo korodhka tirada dadka ku biiraya ciidamada qalabka sida iyo booliiska.
Khudbaddiisa ayuu sidoo kale ku difaacay ajandihiisa siyaasadeed, oo ay ka mid yihiin dib-u-habaynta nidaamka doorashooyinka, adkaynta siyaasadaha socdaalka, iyo ilaalinta xuquuqda hub-lahaanshaha ee uu dammaanad qaadayo Wax-ka-beddelka Labaad ee Dastuurka Maraykanka.
Madaxweynaha ayaa munaasabadda ku maamuusay halyeeyo ka tirsanaa ciidamada Maraykanka, kuwaas oo door ka soo qaatay dagaallo taariikhi ah sida Dagaalkii Labaad ee Adduunka, Dagaalkii Kuuriya iyo Dagaalkii Fiyetnaam, isagoo si gaar ah u xusay askar hore oo lagu sharfay billado qaran.
Gunaanadkii khudbaddiisa, Trump ayaa sheegay in Maraykanku galay "waaberiga xilli dahabi ah", isaga oo muujiyey rajo ku saabsan mustaqbalka dalka, kuna soo afmeeray ducadii caanka ahayd ee ahayd, "Alle ha barakeeyo Maraykanka."
Dhinaca kale, munaasabadda ayaa waxaa hareeyey kulayl daran iyo roobab sababay hakad ku yimid qaar ka mid ah dabaaldegyada, halka dibadbaxayaal mucaarad ah ay ku dhaliileen Trump inuu munaasabadda u adeegsanayo ujeeddooyin siyaasadeed.
Sidoo kale, Madaxweynayaashii hore ee Maraykanka Joe Biden iyo Barack Obama ayaa diray farriimo ay ku xusayaan munaasabadda, iyagoo carrabka ku adkeeyey muhiimadda sinnaanta, dimuqraadiyadda iyo sii wadidda himilooyinkii lagu aas-aasay dalka 250 sano ka hor.