Ayadoo dalalka Yurub ay qaarkood bilaabeen inay dib u celiyaan Soomaalida ayaa markii ugu horeysay muddo 20 sano ah dowladda Austria waxay dalkeeda ka masaafurisay labo nin oo ka soo jeeda Soomaaliya sida ay sheegtay wasaarada arrimaha gudaha dalkaasi. Labada nin ayaa laga dajiyay magaalada Muqdisho iyadoo la sheegay in ay la midoobeen qoysaskooda.
Xafiiska wasiirka arrimaha gudaha ayaa u sheegay wakaalada wararka ee APA in labada nin ay ahaayeen rag Austria dambiyo ka galay oo la xukumay, sidaa darteedna ay tahay in dalkooda dib loogu celiyo.
Sidoo kale waxaa la sheegay in ay ku lug lahaayeen dambiyo la xiriira maandooriyaha.
Soomaali 600 gaareysa ayaa sanadkan dalbaday magangalyo
Soomaalida ayaa la sheegaa in ay soo galeen kaalinta saddexaad dadka magangalyada ka doonaya Austria toddobadii bilood ee ugu horreeyay sanadkan 2025.
Tiro gaareysa 648 qof ayaa u gudbiyay xafiiska magangalyo-doonka dalka codsiyo ay ku doonayaan magangalyo. Heerka aqbalaada sanadkan ayaa la sheegay in ay aheyd 44 boqolkiiba.
Soomaali tiradoodu gaareyso 463 ayaa la siiyay magangalyo. Intaa waxaa dheer in tiro kale oo gaareysa 334 loo ogolaaday in ay dalka joogaan iyadoo loo eegay haddii la celiyo in ay dhibaato la kulmayaan.
Sidoo kale waxaa sharciga deganaashaha bani'aadannimo la siiyay Soomaali kale oo 12 qof ah si ay dalka u sii joogaan.
Soomaaliya waxaa loo arkaa mid ka mid ah dalalka qaaradda Afrika ee tobannaanka sano ay ka jirtay xasilooni darro.
Wasiirka arrimaha gudaha Austria Gerhard Karner iyo dhigiisa Jarmalka Alexander Dobrindt ayaa shalay ka hadlay sidii dad badan looga celin lahaa mustaqbalka Austria iyo Jarmalka loona geyn lahaa dalalkooda.
Wasaarada arrimaha gudaha waxay ku adkeysatay in ay sii wadayaan celinta Soomaalida iyo shisheeyaha kale. Ma ahan oo kaliya dadka la celinayo Soomaali ee waxaa jira dad ka soo jeeda dalal kale.
Dhawaan waxay Austria dooneysaa in ay dalkeeda ka masaafuriso muwaadin ka soo jeeda Syria. Arrintan ayey sheegeen in dhawaan ay fulinayaan, iyadoo ay tani tahay tii ugu horreysay oo la sameynayo sanado. Sidoo kale waxay qorsheynayaan in ay celiyaan dad ka soo jeeda dalka Afghanistan. Waxayna sheegeen in ay dedejinayaan oo ay doonayaan ugu horeyn bilowga sanadka soo socda.
Wasaarada arrimaha gudaha waxay ku sheegtay tallaabadan in ay qeyb ka tahay siyaasad magangalyo doon oo adag oo cadaalad ku saleysan, taas oo wax looga qabanayo nidaamka soo-galootiga ee dalka.
Maxkamada xuquuqul insaanka Yurub ayaa dhawaan horjoogsatay in qof ka soo jeeda Suuriya oo la doonayay in dalka laga saaro oo la masaafuriyo. Qofkaas ayaa dalka ka galay dambiyo kala duwan.
Nadiifo Xuseen Cumar waxay walaalo yihiin mid ka mid ah labada nin ee shalay laga dajiyay magaalada Muqdisho. Khadka taleefoonka ayaan kula xiriirnay si aan wax uga ogaano xaalada wiilka la dhashay ee dalka dib loogu soo celiyay.
"Shalay markii uu yimid aniga ma daganeyn xaafada, waan tagay, waqti nalama qaadan, ma aheyn qof deggan" ayey tiri.
Waxaan weydiinay Nadiifo hadii uu qoyska kala hadlay sida lagu soo masaafuriyay iyo waxa ay nooga sheegi karto.
"Wuxuu yiri aniga qasab ayaa laygu keenay, xoog ayaa laygu soo qabtay, wax uu kuu sheegi karo ma lahan, maskaxdiisa ma fadhido".
Mar aan weydiinay Nadiifo xaalada walaalkeeda iyo duruufaha ka muuqday markii ay aragtay waxay noo sheegtay in niyadjab weyn uu ka muuqday walaalkeed.
"Waxaa ka dareemee in uu hoos u jeedo, wax farxad ah oo in uu dadkiisa ka maqnaa ah ma laheyn" ayey tiri Nadiifo oo ay isku hooyo yihiin mid ka mid ah ragga Muqdisho lagu soo celiyay.
Qoyska wiilka laga soo masaafuriyay Austria waxay kaloo noo sheegeen in ay ka ogaadeen dad dalka la joogay oo la socday xaaladiisa in wiilkooda la soo qaadayo oo la keenayo Soomaaliya.
Qoyska waxay kaloo noo sheegeen in uu magaalada aaday oo aysan jirin xiriir fiican oo farxad leh oo qoyskii uu ka maqnaa la qaatay.
Bbc/somali