Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL ayaa qaaday tallaabo istaraatiiji ah oo lagu dardar-gelinayo horumarinta mashaariicda horumarineed ee Bangiga Adduunku ka taageero Somaliland. Tallaabadani waxay muhiimad gaar ah u leedahay hubinta habsami u socodka, daahfurnaanta, iyo waxtarka mashruuc kasta, taasoo caddeyn u ah sida xukuumadda Somaliland ay uga go’an tahay xoojinta hufnaanta maamul iyo iskaashi wax ku ool ah oo horumarineed.
Istaraatiijiyaddan cusub ayaa diirradda saareysa sidii loo xaqiijin lahaa in mashaariicda la fulinayo ay si waxtar leh u gaadhaan natiijooyinka la filayo, loona dardargeliyo dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada. Tani waa tallaabo muujinaysa sida dowladda Somaliland u fahamsan tahay muhiimadda taageerada caalamiga ah iyo sida ay uga faa’iideysan karto si hufan oo waxtar leh.
Kulamada farsamo iyo kormeerada joogtada ah ee guddiyada fulinta mashaariicda ayaa ah furayaasha lagu hubinayo in xallinta caqabadaha soo baxa, warbixinno faahfaahsan oo laga biximayo iyo in qorshayaasha lagu fuliyo waqtigooda. Waxay sidoo kale muujinayaan sida wada shaqeynta dowliga ah iyo maareynta istaraatiijiga ah ay u yihiin aas-aaska horumar waara oo ay ka faa’iidaan bulshada inteeda badan.
Tallaabadani waxay cadeyneysaa in Xukuumadda Somaliland ay diyaar u tahay in taageerada Bangiga Adduunka si hufan loo maareeyo, loogana gaadho natiijooyin muuqda oo horumarineed, kuwaas oo ka turjumaya himilooyinka istaraatiijiga ah ee dalka.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Md. Maxamed Xasan Saleebaan, oo uu wehelinayay Xisaabiyaha Guud ee Dawladda, Md. Xasan Muuse Khaliif, ayaa 28 August, 2025 xarunta dhexe ee Wasaaradda Maaliyadda kulan kula qaatay dhammaan Isuduwayaasha mashaariicda (Project Coordinators) iyo Unugyada Fulinta (PIUs) ee sagaalka mashruuc ee Bangiga Adduunku ka taageero Somaliland.
Kulankan heer-farsamo, oo si joogto ah loo qabto labadii biloodba mar, ayaa qayb ka ah habraaca maamulka iyo kormeerka mashaariicda, isla markaana waxa uu dabo socday kulanka saddex-biloodlaha ah ee Guddiga Sare (Steering Committee) oo ay isugu yimaadaan Wasiirrada wasaaradaha ay ka socdaan mashaariicdan.
Ujeeddada kulankan ayaa ahayd dardargelinta fulinta mashaariicda uu Bangiga Adduunku ka taageero Somaliland, iyadoo si gaar ah diirradda loo saaray fududeynta nidaamka iibka mashaariicda, si looga hortago caqabadaha suurto-galka ah in ay wax u dhimaan gaadhista ujeeddooyinka iyo natiijooyinka la filayo.
Gabagabadii, kulanka waxaa lagu soo saaray qodobo muhiim ah oo lagu xoojinayo fulinta mashaariicda, kuwaas oo ay kamid ahaayeen:
Bangiga Adduunka waxa uu Somaliland ka taageeraa mashaariic horumarineed oo kala duwan, kuwaas oo la xidhiidha adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, tamarta, biyaha, maamulka maaliyadda iyo qaybo kale. Illaa hadda, sagaal mashruuc ayaa si buuxda uga hawlgala dalka, kuwaas oo mid kasta uu hoos yimaaddo wasaaradda ama hay’adda khuseysa, isla markaana leh Isuduwe Mashruuc (Project Coordinator) iyo Unug Fulineed (PIU) oo mas’uul ka ah hirgelinta hawlaha mashruuca.
Ujeedadu waxay ahayd in la xaqiijiyo guusha iyo horumarka mashaariicda Bangiga Aduunka ee dalka ka socda, taasoo caddeyn u ah sida Somaliland uga go’an tahay hufnaanta, maamulka wanaagsan, iyo iskaashiga wax ku oolka ah ee horumarinta dhaqaalaha.
Kulankan farsamo wuxuu muujinayaa muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta dowliga ah iyo fulinta qorshayaasha caalamiga ah si loo xaqiijiyo horumar waara oo ay si togan uga faa’iidaysato bulshadu. Somaliland waxay si cad u muujinaysaa sida ay uugu diyaarsan tahay in si hufan oo wax ku ool ah looga faa’iideysto taageerada caalamiga ah, loona gaadho natiijooyin muuqda oo horumarineed.