Muxuu akhriyaa Stephen king?

Tuesday September 02, 2025 - 18:47:45
hadhwanaagnews
" Marka aan ka hadlayo qorista, inta badan waxaan akhristayaashayda

Waxaan habeen dhawayd isha mariyay buugga " On Writing , The History of Craft", ee uu qorey qoraaga wayn ee Stephen King.

Magaca dhiganaha waxaa lagu macnayn karaa: " Ku sahabsan Qorista: Sooyaalka Xirfadda ( turjumaadda magaca waxa kasoo ergistay, Mukhtaar Xasan Maydhane, oo buuggan qormo wanaagsan oo faallo ah ka bixiyay )
Dhiganaha oo dhammaystiran ma akhriyin, laakiin isaga oo goosgoos ah ayaa meelaha qaar indhaha yara mariyay.

Haddaba, qaybta uu ku magacaabay: "And Furthermore, Part II: A Booklist” oo aan odhan karno waxaa uu ka wadaa: " Oo Intaas Waxa Dheer, Qaybta Labaad: Liistada Buugaagta" ayaa aan akhriyay. Hadalkiisana wuxuu ku bilaabayaa sidan hoose:

" Marka aan ka hadlayo qorista, inta badan waxaan akhristayaashayda u soo bandhigaa qaybta "On Writing" oo la soo gaabiyey oo ah qaybta labaad ee buuggan. Taas waxaa ku jira xeerka ugu muhiimsan ee dabcan ah: " akhris badan iyo qoraal badan."
Xilli lagu gudajiray qaybtii waydiimaha iyo warcelinta oo in muddo ah socotay, ayaa qof si keddis ah ii waydiinayaa, " maxaad akhriddaa?"
Weligay warcelin lagu qanco kama bixin waydiintaas, maxaa yeelay, waxay maanka ku sababtaa wareer iyo culeys xad-dhaaf ah. Jawaabta oo fududi waa : " wax kasta oo gacantayda soo gala". Intaasi waa run ku filan, laakiin ma aha mid caawinnimo leh ama waxtar leh.
Liiska soo socdaa waxa uu bixinayaa jawaab gaar ah oo ku aaddan waydiintaas. Kuwani waa buugaagtii ugu fiicnayd ee aan akhriyey saddexdii ama afartii sanno ee la soo dhaafay; muddada aan qoray buugta: The Girl Loved Tom Gordon, Hearts in Atlantis, On Writing iyo ka aan weli la daabicin ee lagu magacaabo From Buick Eight.

Si uun ama si kale uun, waxaan tuhunsannahay in buug kasta oo liistada ku jiraa uu saameyn ku yeeshay buugaagta aan qoray.
Marka aad si taddir leh u eegto ama u baadho buugtan diwaangashan , fadlan xasuusnoow in aanan ahayn Oprah oo kuwanina aannay ahayn naadigayga buugaagta.

Buugtaasi waa kuwo ii shaqeeyay, arrintu waa intaas. Laakiin waxaad samayn kartaa wax ka sii xun, qaar badan oo kuwan ka mid ahna waxay ku tusi karaan habab cusub oo aad shaqadaada u qabato, xataa haddayse sidaas noqon, waxa ay ku habboonaani inay ku maaweeliyaan. Hubaal aniga way maaweelinayeen.

40 Abrahams, Peter: A Perfect Crime
Abrahams, Peter: Lights Out
Abrahams, Peter: Pressure Drop
Abrahams, Peter: Revolution #9
Agee, James: A Death in the Family
Bakis, Kirsten: Lives of the Monster Dogs
Barker, Pat: Regeneration
Barker, Pat: The Eye in the Door
Barker, Pat: The Ghost Road
Bausch, Richard: In the Night Season
Blauner, Peter: The Intruder
Bowles, Paul: The Sheltering Sky
Boyle, T. Coraghessan: The Tortilla Curtain
Bryson, Bill: A Walk in the Woods
Buckley, Christopher: Thank You for Smoking
Carver, Raymond: Where I'm Calling From
Chabon, Michael: Werewolves in Their Youth
Chorlton, Windsor: Latitude Zero
Connelly, Michael: The Poet
Conrad, Joseph: Heart of Darkness
Constantine, K. C.: Family Values
DeLillo, Don: Underworld
DeMille, Nelson: Cathedral
DeMille, Nelson: The Gold Coast
Dickens, Charles: Oliver Twist
Dobyns, Stephen: Common Carnage
Dobyns, Stephen: The Church of Dead Girls
Doyle, Roddy: The Woman Who Walked into Doors
Elkin, Stanley: The Dick Gibson Show
Faulkner, William: As I Lay Dying
Garland, Alex: The Beach George,
Elizabeth: Deception on His Mind
Gerritsen, Tess: Gravity
Golding, William: Lord of the Flies
Gray, Muriel: Furnace
Greene, Graham: A Gun for Sale (aka This Gun for Hire)
Greene, Graham: Our Man in Havana
Halberstam, David: The Fifties
Hamill, Pete: Why Sinatra Matters
Harris, Thomas: Hannibal
Haruf, Kent: Plainsong
Hoeg, Peter: Smilla's Sense of Snow
Hunter, Stephen: Dirty White Boys
Ignatius, David: A Firing Offense
Irving, John: A Widow for One Year
Joyce, Graham: The Tooth Fairy
Judd, Alan: The Devil's Own Work
Kahn, Roger: Good Enough to Dream
Karr, Mary: The Liars' Club
Ketchum, Jack: Right to Life
King, Tabitha: Survivor
King, Tabitha: The Sky in the Water (unpublished)
Kingsolver, Barbara: The Poisonwood Bible
Krakauer, Jon: Into Thin Air
Lee, Harper: To Kill a Mockingbird
Lefkowitz, Bernard: Our Guys
Little, Bentley: The Ignored
Maclean, Norman: A River Runs Through It and Other Stories
Maugham, W. Somerset: The Moon and Sixpence
McCarthy, Cormac: Cities of the Plain
McCarthy, Cormac: The Crossing
McCourt, Frank: Angela's Ashes
McDermott, Alice: Charming Billy
McDevitt, Jack: Ancient Shores
McEwan, Ian: Enduring Love
McEwan, Ian: The Cement Garden
McMurtry, Larry: Dead Man's Walk
McMurtry, Larry, and Diana Ossana: Zeke and Ned
Miller, Walter M.: A Canticle for Leibowitz
Oates, Joyce Carol: Zombie
O'Brien, Tim: In the Lake of the Woods
O'Nan, Stewart: The Speed Queen
Ondaatje, Michael: The English Patient
Patterson, Richard North: No Safe Place
Price, Richard: Freedomland
Proulx, Annie: Close Range: Wyoming Stories
Proulx, Annie: The Shipping News
Quindlen, Anna: One True Thing
Rendell, Ruth: A Sight for Sore Eyes
Robinson, Frank M.: Waiting
Rowling, J. K.: Harry Potter and the Chamber of Secrets
Rowling, J. K.: Harry Potter and the Prisoner of Azakaban
Rowling, J. K.: Harry Potter and the Sorcerer's Stone
Russo, Richard: Mohawk
Schwartz, John Burnham: Reservation Road
Seth, Vikram: A Suitable Boy
Shaw, Irwin: The Young Lions
Slotkin, Richard: The Crater
Smith, Dinitia: The Illusionist
Spencer, Scott: Men in Black
Stegner, Wallace: Joe Hill
Tartt, Donna: The Secret History
Tyler, Anne: A Patchwork Planet
Vonnegut, Kurt: Hocus Pocus
Waugh, Evelyn: Brideshead Revisited
Westlake, Donald E.: The Ax

Haddaba, isku soo wada xooriyoo maxaynu ka fahannay qoraalkan sare uu qoray Istiifan Kiin?
Waxa aynu odhan karnaa: waxaa innoo soo baxday sirta ka dambaysa guushiisa, waana akhriska. Sidoo kale waxaa cajiib ah, talladiisii ahayd: " akhris badan iyo qoris badan", sida uu innoo fahansiiyay oo uga dhigay itus oo i taabsii , taasi oo buugta uu akhriyay, oo iyaga oo diwaangeshan ( booklist ) uu inna soo hor dhigay.
Aniga si gaar ah ayay ii taabatay buugta uu akhriyay oo macno wayn ayay ii sameeyeen. Waxaana iiga soo baxay:

1. Qofka doonaya innuu qoraa wanaagsan noqdo, inuu wax badan akhriyo.

2. Qoraagu in aannu marna ba daynin akhriska, xitaa marka uu hawlqoraal oo culus wado, waayo Istiifan buugtan uu inna la wadaagay, waxaa uu akhriyay isaga oo gacanta ku haya qorista buugtiisa qaar ka mid ah.

3. Qoraagu innuu diwaangeliyo buug kasta oo uu akhriyay.

4. Inuu Istiifan waydiinta: "Maxaad akhriddaa?" uu warcelin muuqata oo waxtar leh ka bixiyay.

5. Inuu Istiifan talladdiisa: "akhris badan iyo qoraal badan"( read a lot and write a lot ...) uu si dhab ah ugu dhaqmo, taana waxaa caddayn innoogu ah:

a) akhriska badan, waa tan aynu hore uga hadalnay, waxayna ku caddahay liistada buugta uu inna la wadaagay.

b) qoraalka badan, wuxuu inoo sheegay muddo saddex ama afar sanno ah, inuu qoray afar buug! ( Saddex la daabacay iyo mid aan la daabicin)

Tixraac
Stephen king, On Writing : A Memoir Of Craft.

Faalladii: Maxamed Haybe Axmed.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...