Dublamaasiyiin Maraykan ah oo Taageeray Baaqii Senator Ted Cruz ee Aqoonsiga JSL

Wednesday August 20, 2025 - 11:57:59
hadhwanaagnews
Taageeradooda waxay muujinaysaa muhiimadda istiraatiijiyadeed




Saddex Dublamaasi oo Maraykan ah, isla markaana hore u soo noqday kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika oo kala ah Jendayi Frazer, Tibor P. Nagy Jr iyo Herman J. Cohen, ayaa si xooggan u taageeray baaqii xildhibaan Ted Cruz ee ahaa in Somaliland loo aqoonsado dawlad madax banaan, taasoo muujinaysa isbeddelka suurtagalka ah ee siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Geeska Afrika.

Taageeradooda waxay muujinaysaa muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Somaliland iyo maamulkeeda xasilloonida ah oo ah arrimo muhiim u ah horumarinta danaha amniga qaranka ee Maraykanka, gaar ahaan ka hortagga saamaynta sii kordhaysa ee Shiinaha ee Qaaradda Afrika.

Qadiyadda Somaliland waxa sii xoojiynaya madax-banaanidii lixda maalmood ee sannadkii 1960, oo Maraykanku ku soo hambalyeeyey farriin telegram oo ka timid Xoghayihii Arrimaha Dibadda ee wakhtigaas Christian Herter.

Si ka duwan caasimadda Soomaaliya ee Mugadisho oo xasillooni darro ka jirto, Somaliland waxay ilaalisay xasillooni joogto ah iyo maamul dimuqraadi ah.

Frazer, waxay dib u xustay muddadii ay xilka haysay 2005–2009, iyada oo muujisay qoomamo ay ka qabto inaanay si weyn ugu ololayn aqoonsiga Somaliland, waxaanay sheegtay inay suurtogal ahayd in Midowga Afrika ay taageero ka hesho, sida dalalka Koonfur Afrika, Kenya, iyo Itoobiya, in kasta oo iska caabin ka timid Jabuuti iyo Uganda. Waxay soo jeedisay in aqoonsiga Maraykanka uu sii socon karo haddii dawladda Soomaaliya ay sii wado guuldarada.

Nagy, sannadkii 2022, waxa uu ka soo horjeestay mawqifkii xiligaas ee dawladda Maraykanka ee la xidhiidha aqoonsiga Somaliland isaga oo ku tilmaamay "wax aan macquul ahayn, in la iska indho tiro guulaha dimoqraadiyadda ee Somaliland iyo qiimaha istiraatiijiyadeed ee ay leedahay.

Herman J. Cohen waxa uu dhawaan ugu baaqay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka inay dhammaystirto dib-u-eegista siyaasadeedda oo ay si rasmi ah u aqoonsato Somaliland, isaga oo tixraacaya xasilloonida iyo nidaamka dimoqraadiyadda ee ay leedahay Somaliland.

Taageeradan midaysan ee diblomaasiyadda, oo ay weheliso mowqica istiraatiijiyadeed ee Somaliland ee Badda Cas, waxay u gogol xaadhaysaa xidhiidh adag oo dhexmara Maraykanka iyo Somaliland, taas oo kor u qaadaysa joogitaanka siyaasadeed ee Maraykanka ee Afrika.

     
Loading...