Dambi baadhista ( crime investigation)

Thursday August 14, 2025 - 15:02:59
hadhwanaagnews
2. In la qorsheeyo baadhista.

6- dan jaranjaro ama marxalladood yaa fure ah dambi baadhista oo ay martaa waana kuwan:

1. Marka la qabto ashkato/ dacwad ama wax lagu soo wargeliyay bileyska.

2. In la qorsheeyo baadhista.

3. Wareysiga dhibanayaasha iyo markhaatiyada.

4. Baadhista goobta dambigu ka dhacay iyo raadinta wixii la xidhiidha .

5. In la xidho cidda laga shikisan yahay lana wareysto .

6. In warbixinta oo dhammaystiran loo gudbiyo xeer ilaalinta.

Ogow, lixdaa jaranjaro ayaa fure u ah baadhista dambiyada (key stages in crime investigation)

Inta badan kiisasku baadhidoodu waxa ay ka bilaabmi doonaan jaranjarada kowaad(stage one),
dabadeed waxa ay ku xidhan tahay nooca dambi ee la baadhayo; iyada oo la eegayo dabeecadihiisa, waxa lasii wadi doonaa ilaa marxallada 6 aad(stage 6).

Baadhitaannada qaar, waxa lagu gabagabeyn karaa ka hor inta aan lagaadhiba marxallada 6aad(stage six), tusaale ahaan, marka ashkatada soo gaadhay bileysku ay noqoto mid been ah ama mid aan sal iyo raad toona lahayn amase haddii laga tagi waayo, in la waayo caddaymo ku filan oo loogu gudbiyo xeer ilaalinta si ay u dhammaystiraan .

Sidoo kale, waxa suuragal ah in baadhista dambiyadu ay ku bilaabmaan marxallado ama jaranjarooyin kala duwan;
aan hadalka kuu jilciyee, waxa jiri kara in baadhista dambigu aanu mar walba sida aynu kor kusoo xusnay aannu jaranjarooyinkiisu isugu xigayn, tusaale ahaan, baadhidu waxa ay ka bilaabmi kartaa xidhida cid looga shikiyay fal-dambiyeedka oo ah marxallada 5aad(stage 5) balse, haddana waa lagama maarmaan in lagu noqdo jaranjarada xidhiidhka la leh, si ay u noqoto baadhis dhammaystiran oo sax ah!

1. La tacaalidda dacwada

Tani waa heerka ugu muhiimsan ee baadhista dambiga , sidaas awgeed waa inuu bileysku si degdeg ah uga hawlgalaa , waa saacadda dahabiga ah ee baadhistu bilaabmato, fursad caddayn kasta lagu heli karaayo.
Waqtigii baadhistu waa uu socdaa , fursada caddayn lagu heli karaana hoos bay u dhici doontaa, markhaatiyadii muhiimkana waa la waayi, goobtii dambiguna way baabi'i , sidoo kale kii laga shikisanaana wuu baxsan doonaa.

Tallaabada guud ( general action)
Ka-jawaabaha ugu horreeya ( sargaal kasta oo bileys)

• si degdeg ah oo goobta loo gaadho, aqoonsado waxa dhacay, dhibanahana waa inuu amaankiisa suggo.

• si gaar ah, waa inuu u daryeelo : dhibanayaasha nugul iyo markhaatiyada " sida:
Gabadh
Carruurta ( da'doodu ka hoosayso 15 )
Dadka da'da wayn ( elderly people)
Ka xanuunsanaaya
Dadka barakacayaasha ah ( displaced persons)
Ka maskaxda ka jirran
Ka qoxootiga ah

• Marka ay habboon tahay , waa in la adeegsado saraakiil dumar ah, si ay ula tacaalaan haddii ay dumar yihiin dhibanayaashu iyo markhaatiyadu.

• Marka kiisku yahay ilmo yar oo dhibane ah, waa in la hubiyo in la keenay mid ama labada waalid; haddii ayna joogina adeegso qaraabadiisa.

• Haddii dhibanuhu dhaawacmay , waa inaad hubisaa inay si degdeg ah dawodhakhtar u heleen ama in loo qaaday dhakhtar .

• Ogoow xaalkooda muuq ahaan ( physical condition) iyo xaalkooda dhaqan ahaan.

• Haddii qof laga shikiyay jiro, waa inaad hubisaa in la xidhay oo baadhis lagu sameeyay.

• Haddii dhibanaha eedda samaynayaa yahay dambiyada culus ee galmada, sida kubsiga, waa in dhibanaha la mariyaa dhakhtarka awoodda u leh, isla waqtiga ugu horreysa si loo helo baadhis fursadeed.

• Faahfaahinta soo baxday waa inuu dhakhtarku diwaangeliyaa oo uu kusoo saaraa qaab qoraal ah, si ay qayb uga noqoto caddaymaha markhtiyada ah.

OB qoraha ( OB writer)

• Waa inuu ku bilaabo qiimayn nooca iyo culeyska dambiga.

• Haddii u muuqdo mid culus , waa inaad hubisaa ashkhaastan inaad degdeg u wargeliso:
Sargaalka heeganka ( isna wuxuu wargelin karaa kuwan hoose)
Madaxa baadhista ( head of investigation)
Taliyaha saldhiga ( station commander)
Taliyaha qaybta ( regional commander)

• Haddii dambigu u muuqdo mid yar, waa inaad si degdeg u wargelisaa sargaalka heeganka.

• Haddii dambigu isugu jiro mid fudud iyo culus, waa inaad hubisaa in si faahfaahin ah ugu diwaangelisaa buugga saldhigga ( OB)
Sidoo kale, hubi in diiwaannada hoose, haddii ay jiraan, la buuxiyo:

Diiwaanka Dambiyada (Crime Register): Faahfaahin ku saabsan dambiga iyo dambiilayaasha.

Diiwaanka Hantida Maxbuuska (Prisoner's Property Register):
Faahfaahin ku saabsan hantida laga helay maxbuuska.
Diiwaanka Caddeymaha (Exhibits Register):
Diiwaanka dhammaan caddeymaha suurtagalka ah ee kiiska.

la soco...

Maxamed Haybe Axmed
Qoraa Maxamed Haybe <[email protected]>
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...