Mashruuc cusub oo lagu beeri doono in ka badan 10,400 oo geed oo loogu talo-galan in si rasmi ah loogu beero hareeraha jidka dhismihiisu socdo ee u dhexeeya Bali-Gubadle iyo Hargeysa, kaas oo astaan u u ah isbeddel muuqda oo ku wajahan ilaalinta deegaanka iyo la dagaallanka nabaad guurka. Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hirgelinaysa mashruucan muhiimka ah, iyadoo ku hawlan qorshe ballaadhan oo lagu cagaarinayo dalka oo dhan.
Mashruucani ma aha kaliya hawl beeris ah, balse waxa uu calaamad u yahay feejignaan cusub oo dowladda iyo bulshada ay u leeyihiin la dagaallanka isbeddelka cimilada iyo ilaalinta deegaanka dabiiciga ah. Somaliland, oo si toos ah u dareemaysa saameynta abaarta iyo dhaxanta sii kordhaysa, ayaa hadda qaadaysa tallaabooyin firfircoon oo lagula tacaalayo xaalufka dhirta, kulaylka sii kordhaya iyo nabaad guurka daba dheeraaday.
Faaiidada Geedaha lagu Beero Jidadka:
Beerista toban kun iyo afar boqol (10,400) oo lagu taxayo jid dhereran inta u dhaxaysa magaalooyinka Hargeysa iyo Baligubadle ayaa ah tallaabo muhiimd weyn leh taas oo leh faa’iidooyin badan gaar ahaan Ilaalinta Jidka. Geeduhu waxay ka qayb qaataan xakamaynta dabeylaha iyo roobabka culus ee burburin kara laamiga. Sidoo kale waxa ay kaalin weyn ka qaataan qurxinta iyo bilicda, taas oo suuro-gelinaysa in Laamigu uu noqdo mid leh muuqaalo dabiici ah oo xiiso leh, taas oo dhiirrigelin karta dalxiiska gudaha.
Wax-ka-qabashada Cimilada: Doorka Geedaha ee Deegaanka iyo Nolosha Aadanaha.
Wax-ka-qabashada Cimilada: Geeduhu waxay door muhiim ah ka ciyaaraan la dagaallanka isbeddelka cimilada. Iyada oo shaqooyinka ugu muhiimsan ee geedaha ay qabtaan ay tahay nuugista gaaska carbon dioxide (CO₂) oo ah kaarboonka ugu badan ee sababa kulaylka sii kordhaya ee meeraha. Geeduhu waxay CO₂-ka ka qaataan hawada inta lagu jiro hawsha loo yaqaan photosynthesis, waxayna u beddelaan Ogsijiinta aynu qaadano (O₂), taasoo hawada ka dhigaysa mid nadiif ah oo lagu neefsan karo.
Marka la beero geedo tiro badan, waxay noqdaan kayd tamareed dabiici ah (carbon sinks), taas oo ka dhigaysa inay keydiyaan carbon-ka halkii uu hawada ku sii jiri lahaa. Tani waxay hoos u dhigtaa heerka wasakhowga hawada, waxayna yaraysaa saamaynta kuleylka adduunka (global warming) iyo dhibaatooyinka la socda sida abaaraha, fatahaadaha, iyo kor u kaca heerka badda.
Intaa waxaa dheer, geeduhu waxay yarayn karaan nabaad guurka dhulka, waxay xoojiyaan carro-dhaqashada, waxayna kobciyaan nidaamka biyaha iyo duurjoogta. Waxa kale oo ay qayb weyn ka yihiin hagaajinta tayada nolosha dadka, gaar ahaan bulshooyinka beeraleyda iyo xoolo-dhaqatada ee ku tiirsan deegaanka.
Gunaanad
Wasaaradda Deegaanka ayaa u muuqata mid qaadaysa doorkeedii dabiiciga ahaa, iyadoo aan kaliya ku ekaan qaylo-dhaan ee ay fulinayso tallaabooyin la taaban karo oo wax-ku-ool ah. Haddii mashruucani si nidaamsan loo hirgeliyo, waxa uu noqon karaa tusaale lagu daydo oo laga hirgeliyo dhammaan gobollada Somaliland.
Somaliland waxay leedahay fursad ay kaga hormari karto dalal badan oo aan weli qaadan waddo cagaaran. Tani waa tallaabo lagu hanan karo mustaqbal deegaanka oo ka turjumaya mas’uuliyad dawladeed iyo mid bulsho.