Booliska Somaliland oo Gacanta Kusoo Dhigay Eedaysane Dil Ku Eedaysan

Monday July 28, 2025 - 13:44:08
hadhwanaagnews
Dedaal iyo hawlgal degdeg ah oo ay sameeyeen ciidanka


Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa galabta gacanta kusoo dhigay hal eedaysane oo lagu tuhunsan yahay in uu ku dilay marxuumad kasoo jeeda qoomiyadda Oromada. Falkani ayaa ka dhacay xaafadda Gacmo-dheere ee magaalada Hargeysa.

Dedaal iyo hawlgal degdeg ah oo ay sameeyeen ciidanka boolisku ayaa sababay in si dhaqso ah loo soo qabto eedaysanaha. Sida ay sheegeen masuuliyiinta booliska, eedaysanaha waxa si degdeg ah loogu gudbin doonaa hay’adaha garsoorka si sharciga loo waafajiyo.

Booliska ayaa sidoo kale xusay in baadhitaannada la xidhiidha dhacdadan ay wali socdaan, isla markaana ay bulshada kala shaqaynayaan sidii loo xaqiijin lahaa nabadgelyada guud.
     
Loading...