Salaadiin soo Dhaweeyay Gogosha Nabadda ee Sanaag

Monday July 21, 2025 - 11:09:00
hadhwanaagnews
Boqor Faysal Cabdiraxmaan ayaa waxa uu sheegay in dadka dagan....



Salaadiin, Cuqaal iyo aqoonyahan ka soo jeeda Gobalka Sanaag ayaa soo dhaweeyay baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ee gogosha nabadeed ee u dhigay Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Salaadiinta Cuqaal iyo aqoonyahanka oo kala ahaa Boqor Faysal Cabdiraxmaan Jaamac Wayd, Caaqil Aadan Jaamac Faarax Cabdiraxmaan War Soomaali-side, Caaqil Cabdilaahi Darwiish iyo Caaqil Siciid Marti-ilaaq oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay soo dhawaynayaan baaqii nabadda ee Madaxweynaha JSL ee Gobalka Sanaaag.

Boqor Faysal Cabdiraxmaan ayaa waxa uu sheegay in dadka dagan Gobalka Sanaag ay wada deeqdo nabedgalyo iyo cadaalad, waxaana uu yidhi "Waxa aan si milgo leh iyo maamuus leh u taageeraynaa gogashii nabadeed ee Madaxweynaha Somaliland uu dhigay Magaalada Ceerigaabo, taas oo aanu muddo badan wadnay Madaxweyne waad ku mahadsantahay ayaanu leenahay. Waxaana aanu boogaadinaynaa baaqii nabada ee dadweynaha ku sugan Magaalooyinka Ceerigaabo iyo Badhan, adduunyada ma jiro qof qof ka weyn iyo qof qof wax ka qaadi karaa majiro. Dhamaanteen nabedgalyo iyo cadaalad ayaa ina wada deeqda.waxa aan si gaara u hambalyaynayaa Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo ah buddhigaha nabedgalyada gobalka Sanaag.waa dhaqan soo jireena oo tudhaale badan.wax nabad dhaama oo la helayaa majiro”.

Cabdiraxmaan War Soomaali-side oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa waxa uu tilmaamay in nabedgalyada tahay waxa ugu muhiimsan ee nolosha.Waxaana uu yidhi”Waxa aan uga mahadnaqayaa Madaxweynaha Somaliland baaqaa nabadeed,nabada waa waxa ugu muhiimsan nolosha horumar ma yimaadeen hadaan nabada jirin,waxaana aanu balanqaadaynaa in aanu si daacada oo walaalnimo ah nabada uga shaqayno.si Somaliland u noqoto dal nabada,waxa kale oo aan u mahadnaqayaa Suldaanka Beesha Warsangali iyo inta kula socota nabada”.

Jiif Caaqil Siciid Marti-ilaaq ayaa isaguna soo boogaadiyay baaqa nabada ee Madaxweynaha.Waxaana uu yidhi”Baaqaa Madaxweynuhu jeediyay ee nabada waan boogaadinayaa, labada qole ee ka soo jawaabay ee Caarigaabo iyo Warsangali aad ayaan u boogaadinayaa”.

Sidoo kale Caaqil Aadan Jaamac Faarax ayaa waxa uu soo dhaweeyay baaqii nabada ee ka soo baxay cuqasha beeeha Warsangali.Waxaana uu yidhi”Umadda Somaliland waxa aan u sheegaynaa nabadaa Madaxweynuhu ku dhawaaqay waanu soo dhawaynaynaa,qolada Warsangali ee Badhan ka hadashay ee Suldaanka guud hogaaminayay ee nabedgalyada Madaxweynuhu fidiyay ajiibay way mahadsanyihiin”.

     
Loading...