S/land Iyo Taiwan Oo Markale Hargeysa ku kulmay SAWIRO

Friday June 20, 2025 - 14:41:53
hadhwanaagnews
Ujeedada kulanka ayaa ahayd xoojinta xidhiidhka labada,,,


Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka  Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa  si rasmi ah xafiiskiisa ugu qaabilay Safiirka dalka Taiwan u fadhiya Somaliland, Mr. Allen Lou, kulankan oo muujinaya sii xoogaynta iskaashiga caafimaad ee labada dal.

Ujeedada kulanka ayaa ahayd xoojinta xidhiidhka labada dhinac ee ku saleysan horumarinta adeegyada caafimaadka, gaar ahaan dardar-gelinta mashaariicda muhiimka ah ee dowladda Taiwan ka fulinayso Somaliland. Waxaana diiradda la saaray mashruuca cusub ee Taiwan Medical Center, kaas oo dhawaan laga dhisi doono Isbitaalka Guud ee Hargeysa, una noqon doona xarun casri ah oo kor u qaadda tayada adeegyada caafimaad ee dalka.
 
 
     
Loading...