Saddex balaayo kaama hadhaan

Saturday June 14, 2025 - 03:25:02
hadhwanaagnews
Halkii aad gacanta hoorsan lahayd, waa inaad shaqaysataa.

Waxaa la yidhi, saddex balaayo kaama hadhaan:

• Shaxaad yaraan aad ku bilowday ; waa balaayo aan kaa hadhin.

• Balwad waynaan aad ku bilowday ; waa balaayo aan kaa hadhin.

• Badownimo aad u dhalatay; waa balaayo aan kaa.

Shaxaad aad yaraan ku bilowday

Adiga oo yar haddii aad shaxaadka baratid, waxaa adkaanaysa in aad iska dayso. Si kasta haddii shanta maal-adduunyo u haysatid, waxaa aad noqonaysaa mid dadka wax waydiista.
Haddii aad qof israacdaan, waxaad sugaysaa in isagu shaaha iidiin shubo. Mar kasta waxaa kaa soo horreynaysa: bariiska innaga bixi iyo talow ehel ma bixini.
Dhadhan iyo qanaaco waxaa kuu noqonaaya waxa dadka kale ku siiyaan; waxaa lagaa qarinayaa waxaad haysato, qalbigaaguna waxaa ku maqnaanayaa wax gacan kale ku jira.
Dhabtii, shaxaadku waa wax la barto oo qofka dabeecad ka noqota. Waa mid aan la dayn karin, weliba marka aad ku bilowdo dhallinyarnimo!
Qofka shaxaadka badan ee weliba dhalaannimo ku bilaabaa dhaqan kalena wuu leeyahay: wuxuu noqdaa qof aan shaqaysan. Shaqo kasta haddii la siiyo, waa ka tagaa. Waayo, wuxuu rabaa wax bilaash ku soo gala oo tacab iyo hawlna ka galin.

Halkii aad gacanta hoorsan lahayd, waa inaad shaqaysataa. Soomaalida ayaa tidhaahda: shaqaa sharaf leh, shaxaad baa ceeb leh. Taasi waa run biyakamadhibcaan ah.
Maanta dadka ugu shaxaadka badan buldhadeenna , waxaa lagu sheegaa inay yihiin: dadka balwaddaha leh.
Haddaba, hadal waxaa aan kuugu soo gaabshay: ka dheerow shaxaadka, weliba aad uga foojignow waqtiga aad dhallinyarta tahay ama YARAAN inaad shaxaatan ku bilowdo , waayo waxaa uu noqonayaa BALAAYO aan kaa hadhin!

Balwad aad waynaan ku bilowday

Ma aragtay oday madaxu caddaaday oo da'diisa ku qiyaasayso inuu 80 gu' madaxa ka gooyay, oo haddana midh siggaar ihi u shidan tahay? Badanaa oo aad ugu badana bulshadeenna!
Beerka ayaa ku xanuunaaya marka aad aragto, oday sagaashan jir ah oo qaadka tumanaaya, xabad siggaar ahna gacanta biddix ku haysta . Inta aad ka naxayso qofka dhallinyarta ah in ka baddan ayaad ka naxaysaa waayeelkaa.
Dadka noocaas ihi waa kuwo ku bilaabay balwadda waynaan! Waxaa la yidhi, qofka yaraan balwadda ku bilaabaa, wuu ka waaya-arkaa oo wuu iska daayaa ama wuu yareystaa.
Ka aan ka hadhin balwaddu waa ka ku bilaaba isaga oo wayn; waa ka isaga oo aan caqli u kordhaa u hadhin bilaaaba balwadda; ka isaga oo dhowr iyo soddon jir ah bilaaba balwad xun! Da' iyo garaad midna uma laabna.
Qofka isaga oo wayn bilaaba balwad, inuu ku-godgalo mooyaane way adag tahay sida uu ku joojiyo.
Waxaa ku dhintaa isaga oo midhka siggaarka ihi u shidan tahay! Qarqarka dambe iyada oo naftu kasoo baxday ayaa laga yaabaa inuu yidhaahdo: qorigaa jaadka ah ii dhiib! Alle innagama yeelo.
Hadda ba, cimri tagay ceeb laguma sogootiyee, balwad carruurnimo aad ku bilaabi wayday , ha ku baran adiga ayni jooga, waayo balwadda waynaan lagu bilaabaa , waa BALAAYO aan kaa hadhin!

Badownimo aad u dhalatay.

Waxaad arkaysaa ku sagaal jaamacadood kasoo baxay, oo hadana sida uu u hadlaayo aad yaabayso. Waxaad ka yaabaysaa dhaqankiisa. Ficilka wuu samaynaayo oo aan ahayn wax laga filan karo qof aqoonyahan ah.
Meesha waxaa ka maqan haybaddii iyo dhaqankii lagu yaqaannay aqoonyahanka; waxaa uu samaynayaa xitaa mararka qaar, wax uu ka xishoodo ka aan tacliin baran!

Hore ma u maqashay: waano dhalan baa ka adag? Tana waa sidaas oo kale, oo aqoontii iyo jaamacaddii waxaa daboolka saaray, badowtinimada uu u dhashay .

W/ Q: Maxamed Haybe Axmed

<[email protected]>


     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...