Kooxda Wagner ayaa ku dhawaaqday in ay ka baxayso dalka Mali ka dib waxa ay ugu yeertay "dhamaadka hawshii ugu weyneyd” ee ay ka waday dalka ku yaala galbeedka Afrika.
Kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Ruushka ayaa halkaasi ka howlgalayay tan iyo 2021-kii, iyaga oo kala shaqeynayay militariga si ay uga hortagaan mintidiinta Islaamiga ah.
Farriin ay kooxdu soo dhigtay barta Telegram-ka ayay ku sheegeen in ay "la dagaallameen argagixisada oo ay ka barbar dagaallameen dadka reer Mali", iyagoo dilay "kumannaan dagaalyahanno ah iyo taliyayaashooda, kuwaas oo argagax geliyey dadka rayidka ah sannado badan".
Ku dhawaaqista ka bixitaanka Mali ayaa ku soo beegmaysa isla maalinti ay soo baxayeen warar sheegaya in ciidamada Mali ay isaga baxeen saldhig weyn oo ku yaala bartamaha dalkaasi, kadib markii ay la kulmeen weerar labaad oo lagu hoobtay muddo todobaad gudihiis ah.