Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka Qaran Somaliland Daa,uud Axmed Faarax oo ka qaybgalay xaflad loo qabtay 106 Hablood oo qaatay Tababar Macalimo kana qalin badashay machadka Tababarka Macalilmiinta ee magaalada Hargaysa taasi oo ka dhacday Hoteel Maansoor ee magaalada Hargaysa ayaa balan qaaday in Hablaha loo carbiyey dugsiyada dalka ka noqdaan macalimiin ay qayb ka noqon doonaan ilaalada Imtixaanka fasalada 4aad iyo 8aad oo dhawaan imtixaankoodu dalka ka bilaabmi doono.
Gudoomiye Daa,uud ayaa sheegay in shaqada ugu horaysa ee ay qaranka u qabanayaan hablaha dhamaystay Tababarka Macalinimo noqon doonto ilaalinta iyo ladagaalanka Qishka Ardayda kaasi oo sida gudoomiyuhu sheegay dawlada, wasaaradda iyo xafiiska imtixaanaadba halgan ugu jiraan sidii ay u cidhib tiri lahaayeen kaasi oo hadaan laga hortagin khatar wayn ku ha dalka iyo ya,yarta.
"sanadkan waxaan ku deeqayaa Hablahaa qalinjabiyey in ay qaybka noqdaan ilaalada Imtixaanka sanad kan la qaadayo, waxanu rabnaa si aan ku barbaarino siduu sheegay madaxwayne ku xuigeenku hadii la doonayo dal in la burburiyo waxbarashada ayaa laga carqaladeeyaa, waaxan doonayaa in shaqadiina iyo ladagaalka Qishku ay wada bilaabmaan, Sanad kan 106 daa Hablood ayaa kaw ka ah Ilaalada Imtixaanka” ayuu yidhi gudoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka Daa,uud Axmed Faarax.
Daa,uud Axmed Faarax ayaa Hablaha dhamaystay Tababarka Macanimo kula dardaarmay inay la dagaalka arimaha Qishka hormoodka noqdaan isla markaana la dareemo saamaynta ay ku yeeshaan si loo helo una soo baxaan jiil nadiifka ka ah Qishka oo uu gudoomiyuhu ugu yeedhay in uu yahay aafo qaran, waxanu yidhi.
Qishku waa aafo qaran waana sida balwada oo jiilba jiil ayuu u dhiibayaa hadaan lala dagalamin, qof waliba waxa la doonayaa inuu halkiisa kala dagalamo