Joe Biden oo La Sheegay Inuu Qabo Kansar Halis Ah oo Ku Faafay Lafaha

Monday May 19, 2025 - 11:07:30
hadhwanaagnews
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa u diray


Warar ka soo baxay xafiiska madaxweynihii hore ee Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Joe Biden laga helay oo uu qabo kansarka qanjirka ragga (prostate cancer), nooc lagu tilmaamay mid "aad u halis ah” oo ku faafay lafaha. Kansarka ayaa la ogaaday kadib calaamado caafimaad oo soo baxay toddobaadkii hore. Biden ayaa hadda la tashanaya dhakhaatiir si loo bilaabo qorshaha daaweyntiisa.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa u diray duco Biden, isagoo ku yidhi qoraal uu bartiisa Truth social "Waxaan u rajeynayaa bogsasho degdeg ah.”
     
Loading...