Doorka Jamhuuriyadda Somaliland ee xasilinta dunida: Somaliland National Counterterrorism Center

Wednesday May 14, 2025 - 17:32:30
hadhwanaagnews
Jamhuuriyadda Somaliland-na waxay haysataa fursad qaali ah

——

 

 

Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu hadda marayaa marxalad adag.

Dhibaatooyin waaweyn oo ka taagan Bariga Dhexe, gaar ahaan colaadda halista ah ee Hamas iyo Israel, iyo khataraha Xuutiyiinta Yemen ka imanaya, waxay haatan gaadheen xuduudahaheena, iyaga oo si toos ah u saameynaya amniga gudaha iyo awooddeenna ganacsi ee aynu la leenahay caalamka.

Waxa iyana jirta in marinnada badeed ee muhiimka u ah ganacsiga caalamiga ah – sida Gacanka Cadmeed, Baabul-Mandab, iyo Badda Cas – ay saameyn xooggan ku yeelatay xaaladda guud ee dunida, taasoo culays hor leh saartay dalkeena.

Colaadaha kale sida Russia iyo Ukraine, iyo dagaalka Israel iyo Hamas, waxay sii xumeeyeen jawiga caalamiga ah ee nabadda iyo wada noolaanshaha.

Haddaba, dunidu waxay u baahan tahay nabad waarta.

Jamhuuriyadda Somaliland-na waxay haysataa fursad qaali ah oo ay kaga qayb-qaadan karto dadaallada caalamiga ah ee lagu xasilinayo Bariga Dhexe iyo Russia & Ukraine – dadaallo uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maraykanka, Mudane Donald J. Trump.

Somaliland waxa waajib ku ah hadda in ay ku adkaysato qaranimadeeda, isku filnaanshaheeda, iyo in ay la jaan-qaaddo waddamada kale ee u taagan nabad iyo horumar – iyadoon loo eegin diin iyo dhaqan.

Aniga oo ah Agaasimaha Somaliland National Counterterrorism Center (NCTC), waxaan si hufan oo toos ah ula hadlayaa shacabka reer Somaliland – guddo iyo dibadba.

Waxaan ogahay in dad badani ay ku sugan yihiin xaalad qalalaase ah, isla markaana ay is-weydiinayaan waddada aynu u soconayno.

Laakiin waa in aynu is xasuusinaa in Somaliland ay hore caqabado uga gudubtay, mar kastana ay lahayd dad adkaysi leh oo hal-adayg iyo himilo ku gaadha guul.

Somaliland National Counterterrorism Center waxay si buuxda u rumaysan tahay in taageeridda geeddi-socodka nabadda caalamiga ah uu yahay dariiqa saxda ah.

Waa in aynu taageernaa heshiisyada taariikhiga ah ee sida heshiiska (Abraham Accords), ee dalalka ku mideeyey wada-shaqayn iyo is-afgarad.

Sidoo kale, waa in aynu garab istaagnaa dedaal kasta oo lagu joojinayo colaadda u dhexeysa Russia and Ukraine.

Waa in aynu dhisnaa xidhiidho badan oo caalami ah, oo aynu la yeelanno dawladaha wax ku oolka ah ee leh aragti nabadeed oo la jaan-qaadaysa himiladeena.

Hase yeeshee, nasiib-darro, waxa jira imika caqabado badan oo gudaha ah.

Tusaale ahaan, xidhiidhkeenna Imaaraadka Carabta (UAE) wuxuu u baahan yahay in si miisaan leh dib-u-eegis loogu sameeyo xilligan.

Waa in aynu ka fiirsanaa in xidhiidkaasi uu u adeego danaha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland.

Tan iyo intii aynu xidhiidka la samaynay UAE sannadkii 2016, waxa muuqata in waddankeenna uu u leexday waddo khaldan.

Heshiiska DP World ilaa hadda natiijo la taaban karo lagama gaadhin, waxaana ina soo foodsaaray kooxo xag-jir ah iyo kacdoonno hubaysan oo ka dilaacay gobollada bariga fog ee Jamhuuriyadda Somaliland – dhibaatooyinkaasna muu jirin ka hor xidhiidhkaasi.

Itoobiya waa dawlad xoog badan oo muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah argagixisada Geeska Afrika.

Heshiiskii is-faham ee dhawaan lala galay Itoobiya – kaasi oo uu hormuud u yahay Mudane Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed – waa tallaabo qiimo weyn leh oo u horseedi doonta Somaliland xasillooni iyo horumar dhaqaale.

Gobol xasilloon oo Geeska Afrika ah wuxuu si toos ah ula jaan-qaadayaa arimaha nabadaynta ee Bariga Dhexe.

Si kastaba ha ahaatee, hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti waxay si cad uga horyimaadeen heshiiskan, maadaama ay damacooda siyaasadeed yahay inay faragelin ku hayaan madax-bannaanida iyo arimaha ictiraafka ee Jamhuuriyada Somaliland.

Innagu waxa waajib ina saaran in aynu difaacno danaha qarankeena, una istaagno mustaqbalka jiilka soo koraya.

La shaqaynta Itoobiya waxay lama huraan u tahay adkaynta dawladnimadeena iyo ilaalinta nabadgelyadeena.

Waxa kale oo muhiim ah in aynu sii xoojinno xidhiidhkeenna waddamada muhiimka ah sida Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska.

Somaliland waxay haysataa fursad ay xidhiidh adag kula samayn karto Maraykanka, xilli Madaxweyne Donald J. Trump uu muujiyey doorkiisa hoggaamineed ee ku aaddan nabadeynta Bariga Dhexe.

Waa in aynaan iloobin xidhiidhkeenna taariikhiga ah ee aynu la leenahay Boqortooyada Ingiriiska.

Xidhiidhyadani waxay Somaliland u suurtogelinayaan in ay codkeeda iyo aragtideeda ku biiriso masraxa caalamka.

Gudaha dalkana, waa in aynu noqonaa shacab mideysan.

Waxaa si gaar ah loo xusayaa walaaca laga qabo in qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ee dalka ay caqabad ku noqdaan arimaha nabadeynta ee dalkeena Jamhuriyadda Somaliland.

Wararka la isla dhexmarayo waxay tilmaamayaan in ganacsatadan ay abuurayaan jawi cabsid leh oo liddi ku ah dib-u-soo-noqoshada dhalinyarada qurbo-joogta ah ee doonaya in ay dalkooda wax u qabtaan.

Waxa lagama maarmaan ah in si dhiirran loo soo dhaweeyo dhalinyarada aqoonyahanka ah ee qurbo-joogta ah, kuwaasoo rabitaankoodu yahay in ay dalkooda dhisaan.

Aqoonsiga iyo hourumarka Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ku iman karaa keliya haddii ay dadkeedu gacmaha is qabsadaan oo ay danta guud ka hor mariyaan tan shakhsiga.

Ugu dambayn, waxaan si ixtiraam leh ula hadlayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro):

Mudane Madaxweyne, waxaad hoggaaminaysaa dalkani xilli adag, balse sidoo kale waa waqti fursado dahabi ah ay bannaan yihiin.

Fursadda aad haysaa waa mid aad ku hoggaamin karto shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, kuna hagi karto waddada nabadda, horumarka iyo aqoonsiga buuxa.

Waxaan aaminsanahay in la gaadhayo himilooyinkaas haddii la qaado saddexdan tallaabo:


  1. Xoojinta Xidhiidhka Itoobiya: Si geesinimo leh u dhaqan geli heshiiska Itoobiya. Waa tiir-dhexaadka amniga iyo dhaqaalaha.
  2. Dhisidda Siyasadda Arimaha Dibada: Xidhiidh dhow la samee Maraykanka, UK iyo dalalka u heellan nabadda Geeska Afrika, sida dalalka reer galbeedka.
  3. Midnimo Qaran: Wax ka qabashada caqabadaha gudaha sida farogelinta ganacstada dalka. Ummaddu guul ma gaadho haddii aanay mideysnayn.


Somaliland National Counterterrorism Center (NCTC) waxay garab taagan tahay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo dhamman laamaha aminga ee JSL.

Waajibaadkayagu waa in aynu ka hortagno khataraha argagixisada, isla markaana aan si dhow ula shaqayno dhamman hay’adaha dawladda odhan iyo hay’adaha calaamiga.

Dhammaan shacabka JSL: Aan u istaagno sidii aynu caqabadaha ina hor gudban hadda uga gudbi lahayn si wadajir ah iyo geesinimo leh.

Ilaahay ha barakeeyo Jamhuuriyadda Somaliland (God bless the Republic of Somaliland)


Robleh Maxamuud Caydiid Lafcanbe

Executive Director - Somaliland National Counterterrorism Center

Rob Raghe <[email protected]>

Hargeisa, Somaliland

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...