Nebi Yacquub (cs) markii uu la dardaarmay inamadiisa wuxu ku yidhi "
Wiilashaydow baxa oo soo raadiya Yusuf iyo walaalkii hana ka quusanina naxariista Allah (sw)” . Waxa uu muujinaya in si kasta oo dhibi inoo taabato aynaan ka quusan Naxariista Allah (sw), kuna kalsoonaano oo wanaag ka rajayno. Nebi Yuusuf (cs) jeelka waxa kula xidhnaa laba nin, mid markii la sii daayay ayaa la dilay, mid kalena markii la sii daayay ayuu boqorka khaadim u noqday. Yuusuf muddo ayuu ku sii jiray oo ku sabray dhibaatadii xadhiga xaq darada ahaa.
Laakiin maalintii la soo daayay waxa uu noqday Boqor. Guushu waxa ay ku lamaan tahay Sabirka iyo kalsoonida aad Allah (sw) ku qabto.
Imam Ibnu Qayim (AHN) Waxa uu yidhi:
" Waxii ku dhaafay marna kaga gudbi maysid murugo iyo walbahaar, waxaa lagaga gudbaa raali ahaanshaha Allah (sw), sabir iyo Allaha (sw) oo loo mahad naqo. Qadarka Allah (sw) oo la rumeeyo, iyo adoonka oo garta inuu Allah (sw) u qadaray iyo inuu Allah (sw) wixii uu doono sameeyo oo fuliyo”
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!