"Dhaqankeennu Waa Xeer-u-dhalad Sida Bulshooyinka Qaarkood aan Dibada la Inooga Soo-dhoofin"

Wednesday April 23, 2025 - 11:36:38
hadhwanaagnews
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mar uu ka hadlayay



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in dhaqanka ummaddeenu uu yahay dhaqan xeer-u-dhalad ah oo aan sida bulshooyinka qaarkood aan dibada la inooga soo-dhoofin, isla markaana uu yahay mid ku aroora sooyaalka nolosheenna, caqiidadeenna Islaamnimo, iyo qisaska ku duugan hiddaheenna ee ay ka turjumayaan, aataarta kumannaanka sanno soo jirtay ee aynu ka soo gaadhnay awoowyadeen.”

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu sheegay in dhaqanku uu yahay ruuxda jiritaanka bulsheed, seeska abtirsiinta iyo sawraca ummaddeed, isla markaana uu yahay dunta innagu tosha jiilasheennii hore, si aynnaan u kala amban. Kaas oo ah jiheeyaha innagu haga qiyamkeenna iyo diinteenna.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu sidasn ku sheegay khudbad uu ka jeediyay shir-weynaha Dhaqanka heer Qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shalay ka daah-furay Huteel Mansoor ee magaalada Hargeysa.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo madashaas ka jeediyey khudbad taariikhi ah oo taabanaysa dhinacyo badan ayaa sheegay in madashani ay tahay mid aad u qiimo badan oo aynu dib ugu milicsanayno Sooyaalkii dhaqan ee aynu ummad ahaan ka nimid, si aynu u fahanno waqtiga aynu joogno. Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Shir-weynahan Dhaqan uu yahay mid sawir buuxa inaga siinaya habka ugu fiican ee aynu mustaqbalka u horumarin karno, ugana faa’idaysan karno Dhaqankeenna hodanka ah.

 

Madaxweynuhu mar uu ka hadlayay xidhiidhka ka dhexeeya Dhaqanka iyo jiritaanka bulshada waxa uu yidhi "Dhaqanku waa ruuxda jiritaanka bulshada, waa seeska abtirsiinta iyo sawraca ummadda, waa dunta innagu tosha jiilasheennii hore, si aynnaan u kala amban. Waa jiheeyaha innagu haga qiyamkeenna, hab-dhaqankeenna iyo diinteenna.”

 

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mar uu ka hadlayay asalnimada (originality) Dhaqankeena qaniga ah waxa uu yidhi "Dhaqankeennu waa dhaqan xeer-u-dhalad ah oo aan sida bulshooyinka qaar dibadda la inooga soo dhoofin, Waa dhaqan ku aroora sooyaalka nolosheenna xoolo-dhaqato, caqiidadeenna Islaamnimo, iyo qisaska ku duugan hiddaheenna ee ay ka turjumayaan, aataarta kumannaanka sanno soo jirtay ee aynu ka soo gaadhnay awoowyadeen.”

 

Madaxweynuhu mar uu ka hadlayay sharafta iyo milgaha u gaarka ah Dhaqankeenna waxa uu yidhi "Dhaqankeennu waa dhaqan caan ku ah sharaf dhowrasho, anshax wanaag, iyo aqoon aad u qotadheer, kaas oo weelkiisu uu ahaa afkeenna, gaar ahaan gabayada ay awoowyadeen inoo kaydiyeen, oo ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee aanay hodannimada afkeennu u gudhin.”

 

Gaba-gabadii Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi waxa uu sheegay in uu Shir-weynaha Dhaqanka ka filayo natiijo wacan, si ay bar bilow ugu noqoto isbeddelka aynu ummad ahaan ku adkaynayno, ku ilaalinayno, kuna muujinayno dhaqankeenna, ugana hortegeyno in uu ka lumo jiilasheenna soo socda.

 

Shirkan oo ahaa Shirkii Dhaqan ee ugu horreeyey ee noociisa ahaa ee lagu qabto Somaliland, waxa si qiimo leh u soo agaasimay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta JSL oo uu hormuud ka yahay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Sheekh Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Wasiir ku xigeenka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda.

 

Shir-weynaha Dhaqanka Somaliland waa shir diiradda lagu saarayo, isla markaana lagu faaqidayo Hab-nololeedka Bulshada Somaliland guud ahaan, gaar ahaana arrimaha muhiimadda iyo mudnaanta u leh ummadda JSL ee xagga Dhaqanka, Hiddaha, Afka, Hal-abuurka, Suugaanta iyo Far-shaxanka. Gaar ahaan Shirka Dhaqanka Heer Qaran waxa la is dul taagi doonaa sagaalka mawduuc ee kala ah:

 

Ahmiyadda Dhaqanka iyo Hiddaha,

Guurka iyo Dhaqanka,

Qabyaaladda iyo Takoorka,

Casriga iyo saamaynta Dhaqanka,

Garta iyo Dhaqanka,

Afka iyo suugaanta,

Xoolaha, Beeraha iyo Sooryada,

Barbaarinta Carruurta iyo Dhaqanka,

Siyaasadda iyo Dhaqanka,

     
Loading...