hadhwanaagnews

Suldaan Daa’uud ayaa hadal adag ka jeediyey xaaladda deegaanka Ceel Afweyn, isaga oo si kulul uga hadlay arrimo la xidhiidha amniga iyo khilaafaadka ka jira deegaankaasi.
Suldaanka ayaa sheegay in "shaydaankii waynaa ee Ceel Afweyn fadhiyay” uu hadda u wareegay dhinaca galbeed, isagoo tilmaamay in xaaladdu ay isbeddel ku timid, balse ay weli jirto baahi loo qabo feejignaan iyo xal waara.
"Shaydaankii waynaa ee Ceel Afweyn fadhiyay oo ictisaamna wata ayaa galbeed inooga dhaafay,” ayuu yidhi Suldaan Daa’uud.
Hadalkan ayaa loo fasirtay inuu muujinayo aragtida suldaanka ee ku saabsan dhinacyada uu u arko inay saameyn ku leeyihiin khilaafaadka deegaanka, iyadoo aan si toos ah loo magacaabin cid gaar ah.
Ugu dambayn, Suldaan Daa’uud ayaa ku baaqay in la sii xoojiyo dadaallada nabadeed iyo wada-hadalka, si loo helo xasillooni waarta oo ka hirgasha deegaanka Ceel Afweyn iyo guud ahaan gobolka.