Agaasimaha Madaxtooyada oo Tabobar u soo Xidhay Shaqaalaha Waaxda Qorshaynta ee Madaxtooyada JSL

Thursday April 17, 2025 - 11:28:31
hadhwanaagnews
Geesta kale Agaasimaha ayaa sheegay in aqoon kordhin...



Agaasimaha Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muniir Axmed Cigaal ayaa tababar aqoon koradhsi iyo dardar galin shaqo ah u soo xidhay shaqaalaha iyo hawl-wadeenada Waaxda Qorshaynta Wasaaradda Madaxtooyadda.

 

Tababarkaas oo socday muddo laba maalmood ah, ayaa waxaa ka qayb galay dhammaan hawl wadeenada Waaxda Qorshaynta iyo Agaasimaha Waaxdaas.

 

Agaasimaha Madaxtooyada oo ka hadlay munaasibaddii tababarka ayaa sheegay in aanu tababarkani kaliya ku koobnaan doonin waaxda qorshaynta ee tababarkan qaadatay, balse dhammaanba waaxyaha kale ee wasaarudda la gaadhsiin doono, isl markaana ay ka faa’iidaysan doonaan, si kor loogu qaado hawlaha shaqo ee Wasaaraddu u hayso Qaranka.

 

Geesta kale Agaasimaha ayaa sheegay in aqoon kordhin iyo tayayn ballaadhani ku socota shaqaalaha Wasaaradda Madaxtooyada iyo dhismaha Qasriga Qaranka looga taliyo ee Madaxtooyada.

 

Agaasime Muniir Axmed Cigaal oo kaashanaaya agaasime waxeedyada Wasaaradda iyo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda ayaa wada dardar galin xoogan oo uu hoggaaminaayo Xafiiska Agaasimaha Guud.

 

Gabagabdii Tababarkan oo socday muddo laba maal mood ah ayay si wayn uga faa’iidaysteen xubnihii qaadanayey tababarka, islamarkaana agaasimuhu kula dardaarmay in ay ka faa’iideeyaan aqoontii ay tababarka ka qaateen kuna dabaqaan shaqadooda.

     
Loading...