"Waxaannu ku Dedaalaynaa in Ganacsiga JSL iyo Dekedda Berbera ay Noqdaan Kuwo la Tartama Dalalka Jaarka…"

Wednesday April 09, 2025 - 09:53:58
hadhwanaagnews
Waxaanu jecel nahay wixii talo ah in aanu waydiino, wixii dalka...



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa kulan hadhimo-sharafeed ah Qasriga Madaxtooyada ugu sameeyey Ganacsatada kala duwan ee reer Somaliland, waxaanu sheegay in xukuumaddiisu ay tahay mid la tashanaysa ganacsatada dalka.

 

Kulankan hadhimo-sharafeedka ah ayaa madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland u jeediyay ganacsatada dalka hadallo isugu jira mahad-naq, dhiiri-galin, bogaadin iyo dardaar uu u soo jeediyay in ay dalka ka hirgaliyaan Warshado shaqo abuur u noqda bulshada dalka, waxaanu xusay in ay ka xukuumad ahaan saaxiib dhaw la yihiin ganacsatada, Kalana tashanayaan wixii la xidhiidha horumarka dalka.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi waxaanu sheegay "Waxaan ugu bushaaraynaynaa ganacsatada, inta waawayn, inta yar yar iyo inta dhexe ba in xukuumadda wada jir iyo waxqabad ay tahay xukuumadda la saaxiib ah ama la saaxiibi doonta ganacsatada.

 

Waxaanu jecel nahay wixii talo ah in aanu waydiino, wixii dalka lagu horumarinayo in aanu kala tashano, meelaha aan is leeyahay weli way furan yihiin ganacsatada maanta u baahan in aynu korino waxa ka mid ah warshadaynta, dalkeena marka la eego wax walba waynu soo dhoofsanaa, xataa Findhicilka waynu soo dhoofsanaa, markaa waxaynu u baahan nahay Warshado yar yar in aynu ku bilawno kuwa dhexe iyo kuwa waawayn ba”.

 

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa tilmaamay in dhaqaalihii lagu hirgalin lahaa warshaduhu uu dalka yaalo, ganacsataduna ay hayaan, loona baahan yahay in dalku yeesho warshado wax-soo-saar waxaanu yidhi "Waxaan is leeyahay maanta dhaqaalihii lagu dhisi lahaa warshadahaasi waddanka wuu yaallaa, ganacsataduna way haysaa, shaqo abuurna way noqonaysaa”.

 

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale ku dheeraaday boqcadda muhiimka ah ee ILLAAHAY dhigay Somaliland, taasi oo ah mid u baahan in laga faa’iidaysto, dhaqaalena lagala soo baxo, waxaanu tusaale u soo qaatay goobaha dalxiiska, kheyraadka Badda, Buuraha teedsan iyo taariikhda guunka ah ee ay Somaliland leedahay oo u baahan in dunida loo bandhigo waxaanu yidhi "Waxa ka mid ah in aynu horumarino dalxiiska oo maanta ah waxyaabaha ugu badan ee laga helo dhaqaalaha dunida oo kaabayaashiisa haddii la sameeyo dadku way ku soo dhiiranayaan.

 

Bad baynu leenahay 850 KM ah, Jasiirado ayaynu leenahay, Buuro ayaynu leenahay, meelo badan oo dalxiiska ku wanaagsan baynu leenahay, taariikh gabowday baynu leenahay oo guun ah, markaa dalxiisayaashu taariikhda way u yimaadaan, meelaha fiic-fiicana way u yimaadaan, Masaajido laba qiblo leh baynu leenahay oo tii Nabiga SCW ka horreysay ee loo tukanayay Qudus”.

 

Madaxwaynaa ayaa ganacsatada uga mahad-naqay maalgashiga ay dalka ku sameeyaan iyo abuursita baananka ganacsiga ee bulshada shaqo abuurka u sameeyaan, taasi oo uu madaxwaynuhu xusay in dunidu ay ku kala socoto amaahda dadka la siiyo si ay hal-abuur ugu sameeyaan waxaanu yidhi "Waxaan uga mahad-naqaynaa ganacsatada maalgashiga ay sameeyeen ama Tiknoolaji ha noqdo ama Isgaadhsiin ha noqdo ama Baanan ha noqdeene, sidoo kale waxaan uga mahad-naqayaa maadaama dawladda aanu Bangigeedii ganacsiga ahaa shaqaynayn, in aan ganacsatada dhiiri-galisaan oo aad amaahda siisaan, dunida ma jiro wax iska dhismi kara adduunka oo dhami amaah buu ku socdaa, taasna waan ku bogaadinayaa ganacsatada, taasi waxay kor-u-soo qaadaysaa ganacsatadeena yar yar iyo dhexe”.

 

Gebo’gabadii madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa tilmaamay inay ku dedaalayaan in ganacsiga dalka Somailand uu noqdo mid la tartami kara waddama jaarka ah, sidoo kalena Dekeda Berbera ay noqon doonto mid la jaan qaada dalalka jaarka, isaga oo madaxwaynuhu u ballan qaaday ganacsatada haddii cashuurta laga qaadaa ay ka badan tahay ta dalalka jaarka ah laga dhimi doono waxaanu tilmaamay "Waxaanu ku dedaalaynaa in ganacsigeenu noqdo mid la tartami kara waddamada inagu xeeran, oo Dekedeenu noqon karto mid la tartanta Dekedaha inagu xeeran, markaa taa waan ku dedaalaynaa oo haddii ay kalifayso mararka qaar cashuurta haddii aynu ka badan nahay dalalka aynu jaarka nahay dib baynu u eegi doonaa insha allah.”

     
Loading...