SOLJA Oo Cambaaraysay Saxafi Booliska Somaliland Xidhay.

Thursday March 20, 2025 - 22:11:44
Hadhwanaag
WAR-SAXAAFADEED

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA wuxuu si adag u cambaareynayaa xadhigga sharci-darrada ah ee loo geystay milkiilaha warbaahinta Xog-Ogaal, Yuusuf Cabdalle Yuusuf, oo ay ciidamada sirdoonku kala baxeen hoteelkii uu ka deganaa magaalada Hargeysa 12:00 duhurnimo ee maanta .


Sida xogta aan helnay tilmaamayso, Yuusuf Cabdalle Yuusuf waxa xarunta sirdoonka lagu hayay muddo afar saacadood ah, iyada oo aan xadhiggiisa  loo marin hannaan sharci ah. Sidoo kale, waxaa lagu cadaadiyey in aanu  ka hadlin xadhiggiisa, taas oo ah tallaabo ka hor imanaysa xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida saxaafadda ee Somaliland.


Ururka SOLJA waxa uu arrintan u arkaa mid ka mid ah cadaadisyada sii kordhaya ee lagu hayo saxaafadda madaxa-bannaan, kuwaas oo si toos ah u halis gelinaya xorriyadda warbaahinta iyo xaqa muwaadiniinta ee helitaanka warar dhexdhexaad ah. Waxaannu  ugu baaqeynaa hay’adaha garsoorka iyo xukuumadda Somaliland in ay:


1. Sharaxaad degdeg ah ka bixiyaan xadhigga Yuusuf Cabdalle Yuusuf oo ay caddeeyaan sababta uu xabsiga u galay.


2. Joojiyaan cabbudhinta suxufiyiinta iyo warbaahinta madaxa-bannaan si loo xaqiijiyo in saxaafaddu si xor ah u gudato waajibaadkeeda.


3. Xaqiijiyaan in dhammaan hay’adaha amniga ay dhowraan sharciga iyo xuquuqda aadanaha marka ay la macaamilayaan saxaafadda iyo muwaadiniinta.


Ururka SOLJA waxa uu  la socon doonaa xaaladda Yuusuf Cabdalle Yuusuf iyo dhammaan suxufiyiinta kale ee cadaadiska  kala kulma hay’adaha amniga.

     
Loading...