Kiisaska Waayadan Danbe Soo Badanaya !!

Friday March 07, 2025 - 13:37:46
hadhwanaagnews
Waxa Qoray Garyaqaan Xuseen Shabeel Cabdilaahi



Nin wastaada ama kuuliya ama shaqaale maqaaxiyeeda ama tagsiile ah ama xamaala oo waxa soo galaaba aanu biilka maalintii iyo nolol maalmeedkiisa aanu dhaafin .

Ayay GABADHIISII(xaaskiisu) kuu imanaysaa iyada oo leh $50,000 doolar ama $40,000 kun oo doolar ayaa la iga dhacay , hababka wax loo kala dhaco ee ay kuu sheegayaan waxa ka mida in lagu yidhi mashruuca hebel ama shaqadaas oo bishiiba intaa laga faa'iidayo ayaa laguugu darayaa deeto marka lacagtii gacanta lagag dhigo ayaa waagu ku baryayaa markay bisha u horaysa ama ta ku xigta weydo faa'iidadii ayay raadinta lafaheedii uun bilaabaysaa , raadintaas oo cakirmaysa.

Ninkii qabay ayaad u yeedhaysaa adoo is leh bal in ay labada dhinac wada hadal ku dhamaystaan oo aad odhanaysaa dacwadaas ayaa noo timi ee kaalay bal eheladii dhinaca kalena waa joogane si aad uga wada xaajootaan , yaab iyo amakaag ayaa uu madax qabsanayaa !!!!!!!

Ku lahaa waligayba ima soo galin oo ma araga mana tirin $50,000 kun doolar oo isku yaala reerkayga iyo xaaskaygana kuma ogayn hadaanu lacag intaa leeg haysano duruuftanba reerkayagu kuma jireen waxan aad ii sheegaysana waxba ka garan maayo anigu garyaqaan ee malaha cid kalaad igu soo qaladee hubso , waar waa adigee noo kaala ayaad dhawr jeer ugu celinaysaa , miyaad heblaayo hebel odaygeedii ahayn ? Haa iyo hadana yaab kale !!!!.

Bal sideed isu fahansiinaysaa qoyskaa ?
Kiisaska noocana oo soo badanaya waayahan danbe.
Ramadaan kariim.
Waxa Qoray Garyaqaan Xuseen Shabeel Cabdilaahi
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...