Wararkii Ugudanbeeyay Tigray oo caawa dagaalo kadhaceen

Wednesday March 12, 2025 - 06:00:42
hadhwanaagnews
Getachew Reda, madaxweynaha ku meel gaadhka ah, ayaa boggiisa



Jeneraalada ciidamada ee gobolka Tigreega ee dhawaan taageero u muujiyay jabhadda TPLF ee hoos tagta Dr Debretsion ayaa lasheegayaa in ay bilaabeen in ay ku dhaqaaqaan qaab ciidan iyo burburinta haykalka maamulka.

Warar maxali ah oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in maamulkii ku meel gaadhka ahaa ee magaalada Adiabat uu durba burburay. Ilaa hadda lama oga halka ay ku dambeyn doonaan mas’uuliyiinta maamulka KMG ah.

Getachew Reda, madaxweynaha ku meel gaadhka ah, ayaa boggiisa xidhiidhka bulshada la wadaagay warbixin cusub oo uu ku eedeeyay waxa uu ugu yeedhay "sarkaal ciidan oo tiro yar" inay wadaan "go'aan khaldan" oo lagu burburinayo maamulka guud ahaan Tigrayga. Waxa uu sidoo kale carabka ku dhuftay in dad rayid ah lagu waxyeeleeyay qeybo ka mid ah Mekelle iyo Cadi-gudoom iyadoo madaxda ciidamada ay si xoog ah ku maamulayaan xarumaha maamulka ee ay lawareegeen ayuu yidhi

Kooxda hoos tagta Debresion ama dowladda Federaalka wali kama aysan hadlin xaaladihii u dambeeyay.

Warka Getachew Reda uu ku faafiyay baraha bulshada ayaa u dhignaa sidan:

"Go’aan khaldan oo ay gaadheen qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada oo ahaa inay sharciga gacmahooda ku qaataan oo ay burburiyaan haykalkii dawladnimo ee gobolka Tigray oo dhan maalmihii u dambeeyay ayaa gobolka galiyay dhul aan la garanayn, iyada oo dadka rayidka ah ee ka dhiidhiyay talaabooyinkan sharci darrada ah la ururiyay oo rasaas la isweydaarsaday. Khasaaro badan ayaa ka dhacay Adigudom iyo qeybo ka mid ah Mekelle. Rabshadahan ayaa qayb ka ah qorshe habar-ku-taallo ah oo lagu doonayo in koox sharci-darro ah oo TPLF ah lagu dhejiyo jagada, tallaabadaas oo si buuxda uga duulaysa rabitaanka shacabka Tigrayga iyo haddii heshiiska Pretoria. Waxaa ku waajib ah dhammaan daneeyayaasha heshiiska Pretoria in ay wajahaan tallaabadaas foosha xun ka hor inta uusan u gudbin wareeg kale.

     
Loading...