Maxaa ka danbeeyo Daalka:-

Wednesday May 21, 2025 - 14:53:59
hadhwanaagnews
Naxariista aad dadka u muujiso, daacadnimada


Aadanuhu inta uu nool yahay, mar waliba waa uu daali, kolka hore caruurnimada ayuu ka daali, ka dib dhalinyaranimada, ka dib duqnimada, ilaa ugu danbeeyn uu nolosha dhanba ka daalo, se koleeyba waan daaleeynaa e, maxaa ku daalnaa toloow?

Naxariista aad dadka u muujiso, daacadnimada aad bulshada kula dhaqanto, naf-hurnimada aad had iyo jeer sameeyso, kolkaa sameeyneeyso hadii aad daasho xitaa, iyagu marnaba dhamaan maayaan, ee waxeey ka mid noqonayaan kuwa ileeys siiya caalamka aad ku nooshahay.

Dhanka kale, hadii aad tiraahdo qofnama ima arkaayo, ee aan been yara sheego, kistaan aan yara xado, amaba aad taada oo kaliya ka hormariso mida dadka kale, kolka hore waad farxi, se ugu danbeeyn farxadu waa tagi, deedna danbigii iyo shalaaytadii ayaa hareeyso?

Hadaba waxaa soo koobaayo arintaasi oo dhan oraah uu yiri faylasuufkii weeyntaa ee Aristotle, oo aheeyd:
" Haddii aad ku daasho samaha, daalku wuu tagayaa laakiin samuhu wuu harayaa. Haddii aad ku raaxaysato danbiga, raaxadu way tagaysaa laakiin danbigu way harayaan”.

Ku raaxeeyso wax ku anfacaayo Aduun iyo Aakhiraba.

W/Q/Caawiye Ciiltire Cali


     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...