Qorshaha Loogu Talla-galley Soomaallida Geeska-afrika Dawlladnimadooda:-

Thursday March 06, 2025 - 07:33:59
hadhwanaagnews
Aan ku jiro qodobka Koonfurta'e waxa beesha caallamku darreentay guul-darrada


Geeska-afrikaha cusub waxa ka billaabmay xiisado aad u waa weyn oo la xidhiidha dhinnaca Istaraatijiyada & kheyraadka, Haddaba si loo manaafacaadsado illaha wax-soo-saar ee Goballkan, Waxa loo marrayaa dhawr waddo oo kala ah qaar si toosa loola macaamillayo kheyraadkooda, Iyo qaar si dadban loogu furrayo collaado iyo dabbino qarsoon oo si dhuumasho ah loo riixayo, Qoddobkan ayaa Goballkan aad u ragaadiyey isla markaasina ku soo noq-noqdey.

Wakhti-xaadirkan waxa la saadaallinayaa si loo beegsado kheyraadka dihin ee Soomaallida in Reer wallba oo meel daggaa ay maamul sheegtaan, Waa qorshe waadixa oo dajisan. Kalliya waxa ka badbaadaya dabinkaa Somaliland oo burjigeeda ciddiba macnayn laadahay oo dabaysheeda quwadeed iyo waxay ku dhisan tahay la fahmi laa yahay, Imikana waxa isa soo taraya darreenka gaarka ah ee Mareykanku buq-caddan ku hayo oo mid toggan ah, Waxa jira fahan ka baxsan ogaalka dadka oo ay og-yihiin Ruush & Mareykan uuni.

Geesta kale Goballkan waxa ku dhaqan Soomaalli oo hadii la isu darro noqonaysa, Baaxadaha ugu waa weyn ee ugu dhul iyo manfac badanaya Goballka & Afrikaba, Haddaba yadoo laga duullayo kala illaalintooda ayaa la kala irdheeyey mustacmarkuna isu dirrey oo kala qoqobbey, Walliba yagaa is gumaysta la yidhi, Qoomkan soomaallida ayaa dhamaantood islaam ah oo aad ugu ad-adeg diintooda, Tanina waa qodob kale oo hoosta si gaar ah looga xariiqey.

Waxaan yadna meesha ka maqneyn Dawllada soomaalliya oo imikaba ku jirta gacmaha beesha caallamka, Waayo hadii 60,000 oo askari nabad-illaalin u joogaan gurrigaaga waxay ka dhiggan tahay diciifnimo aad tahli karri laadahay awood is maamullid guddaha dalkaaga oo aanad ka maarmeyn taageero, Markaa meeshaasi dawlladnimo ma jirto waxana tusaalle kuugu fillan Reer wallba waxa yagleeshay Buul-dawladeed yar oo ay yagu u madax-banaan yihiin kheyraadkoodana ciddii u timaado uun baa u tallisa yadoo macaa kuwii Federaalku joogaan.

Aan ku jiro qodobka Koonfurta'e waxa beesha caallamku darreentay guul-darrada qollada bulshada rayidka ah ee gacanta ku haysa dalka walliba tirro laba jeera xukunka qabtey, Oo aan jirinba dawlladnino fahankeeda & xallin khilaafka guddaha ah markaa yadna waxa la qorsheynayaa in loo dhiibbo cid ay ka anfariiraan dhamaan Dawlladaha geeska iyo Soomaalliduba oo farraha looga qaadi doono, Yaguna ay u sameysan doonaan meel ay ka talliyaan awood ku dhisan Isla markaasina ay Reer wallba is maamull gaara ah yeeshaan, Yagoo ku guulleysan doona xallinta khilaafka guddaha.

Qoddobkan ugu danbeeya hadii ay fulliso qorshahaasi Beesha Caallamku waxay jaanis u noqonaysaa Somaliland, Oo laga shaqeeyey Aqoonsigeedii si waliba daggen oo billaa turxaan ah, Qolladaasi kalena ay ku eekaadaan dawlladnimadaa Reerruhu kala qaateen awalba wax isu darsadey, Tani ayaa caddeynaysa kala duwanaashaha iyo kala gaddisanaanta sooyaal ee labbadan buq-cadood isla markaasina waddaaga jinsiga & magaca oo qudha.

WA BILLAAHI TAWFIIQ
RAMADAN MUBARAK
Qalinka :- Cabdiraxmaan Sayid Faarax (Jeesto)
Diplomatic Analysis
Gabiley/Somaliland.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...