Lixda qodob ee ugu muhiimsanaa khudbaddii Trump.

Thursday March 06, 2025 - 06:06:50
hadhwanaagnews
Heshiiska macdanta ee Maraykan iyo Ukraine



Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in "hammiga Maraykanku yahay mid aan la hor istaagi karin, xilli uu khudbad ka jeedinayay fadhiga wada jirka ah ee Congress-ka Mareykanka oo noqonaya kii ugu horreeyay tan iyo markii dib loogu doortay xilka madaxtinnimo.

 

Khudbaddii ugu dheerayd ee madaxweyne Maraykan ahi uu jeediyo ayaa Donald Trump uu kula hadlay xildhibaannada. Waxa uu ku soo bandhigay qorshayaashiisa muddo-xileedka labaad ee uu joogo Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka.

 

Xubnaha Jamhuuriga ah ayaa u riyaaqay siyaasadda lixdii todobaad eeTrump oo wax badan ka beddelay siysaadda gudaha iyo midda dibadda ee dalka Maraykanka. Laakiin waa tallaabo aanay la dhacsanayn dhinaca kale ee dimuqraadiga.

 

Madaxweynahan labada jeer ku soo laabatay xilka ugu sarreeya Maraykanka ayaa muddadii koobnayd ee uu xukunka hayay waxa uu ku dhawaaqay shaqo-dhimis lagu sameeyay shaqaalaha dawladda iyo siyaasad lagu xakamaynayo socdaalka. Trump ayaa sidoo kale cashuuro dheeri ah ku soo rogay waddamo ay ku jiraan kuwo Maraykanka xulafo la ah, isaga oo dhabarka u jeediyay Gaashaanbuurta NATO iyo Ukraine.

 

Halkan waxa aan kugu la wadaagaynaa lix qodob oo ay ku saabsanayd nuxurka khudbaddii madaxweyne Trump.

 

Trump iyo dagaalka ganacsiga

Maalintii labaad oo suuqyada Maraykanka uu ka jiraan jahawareer dhaqaale, ayaa madaxweyne Trump waxa uu ciyaaray siyaasad hoos u dhigi suurtagalnimada dagaal gacansi oo taagnayd muddo todobaad ah. Arrintan ayaa ka dambaysay, markii cashuur 25% uu Maraykanku saaray badeecadaha ka yimaadda dalalka Mexico iyo Kanada , halka 10% lagu kordhiyay alaabta ka timaadda waddanka Shiinaha.

 

Si ka duwan sidii loogu riyaaqay hammigiisa siyaasadeed oo sacab badan ka abuurtay golaha, arrinta cahsuuruhu waxa ay u muuqatay mid kala qaybinaysa xisbigiisa.

 

"Cashuuruhu waxa ay Maraykanka ka dhigayaan dal hodan ah. Waxaanay suurtagelinaysaa in mar kale la helo Maraykan xoog badan," ayuu yidhi Trump.

 

"Way dhacaysaa waanay dhici doontaa weliba si dhakhso ah. Waxoogaa carqlad ah ayaa dhici doonto, laakiin ma badan."

 

Heshiiska macdanta ee Maraykan iyo Ukraine

Donald Trump ayaa sheegay in xilli hore oo manta ah uu warqad ka helay madaxweynaha Ukriane, Volodymyr Zelensky, taas oo u muuqata isla midda hoggaamiyaha Ukraine uu ku daabacay bartiisa bulshada.

 

Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in uu hadda diyaar u yahay in uu ka hoos shaqeeyo "xukunka adag" ee Trump si loo soo afjaro dagaalka "oo sida ugu dhakhsaha badan looga shaqeeyo wadahadallo horseedi kara in la gaadho nabad waarta".

 

"Waan bogaadinayaa in uu soo diray dhambaalkan," ayuu Trump u sheegay sharci dejiyayaahsa.

 

Hadalkan ayaa daba socda kulan aan qarsoodi ahayn oo todobaadkii la soo dhaafay ay labada hoggaamiye ku murmeen Oval Office, iyada oo kamaraduhu ay si toos ah u hayaan. Markaas ka hor ayaa la laalay qorshayaal hore loogu saxeexay heshiis macdanta ah iyo in Maraykanku u uku lug yeesho khyaraadka Ukraine.

 

Waxa la rajaynayay in uu Trump sheegi doono in la joojiyay heshiiskaasi. Laakin ma dhicin.

 

Trump oo kala dooranaya Greenland iyo Lesotho

Inkasta oo khubaddiisa qaadatay 99-ka daqiiqo uu kaga hadlay arrimo la xidhiidha gudaha Maraykanka, haddana Trump waxa uu wax ka taabtay waxa uga qorshaysan dibadda.

 

Waxa uu xusay meelo uu doonayo in uu in Maraykanku uu isku ballaadhiyo siyaasad ahaan iyo meelo uu rabo in gebi ahaanba uu isaga baxo.

 

Isagoo ku celcelinaya rabitaankiisa ku aaddan in Mareykanka uu hantiyo Greenland, ayaa haddana waxa uu wacad ku maray in si walba uu u doonayo helitaankeeda. Wuxuuna sheegay in maamulkiisu "dib u soo celin doono" kanaalka Panama.

 

Dhowr goor ayaa la soo hadal qaaday arrimo ku aaddan magacyada dalal Afrikaan oo ku tilmaamay in ay ahaayeen kharashaadyo khasaare ah oo uu bixiyay madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Joe Biden.

 

Dalkaasi waxa ku jira Liberia, Mali, Mozambique iyo Uganda oo uu ku sheegay in si aan xaq ahayn ay uga faa'iidaysan jireen gargaarka Maraykanka.

 

Laakiin hadalkiisa ugu muhiimsan waa midka ku saabsan dalka Lesotho, oo uu sheegay uu yahay waddan "aan qofna weligii ma maqal" in kasta oo loogu deeqay $8m (£ 6.2m) si kor loogu qaado xuquuqda LGBT.

 

Trump oo kal-furnaan u muujiyay Elon Musk

Bilowgii khudbadda Trump ayaa hubsaday in la taliyihiisa bilyaneerka ah oo muuqaal ahaan u daawanayay khudbadda.

 

Wakaaladda uu maamulo Doge ayaa dhawaan ku dhaqaaqday in ay shaqada ka caydhiso tobannaan kun oo shaqaale federaal ah, waxay jartay balaayiin doollar oo gargaar shisheeye ah iyada oo joojisay barnaamijyo kale.

 

Mulkiilaha The SpaceX iyo Tesla oo ku lebbisan isku jog madow ayaa istaagay oo u khushuucay markii ay loo sacbiyay.

 

"Waad mahadsanid tahay, Elon," ayaa uu yidhi madaxweynahan 78 jir ah.

 

Doge waxa ay sheegtay in ay badbadisay lacago gaadhaya $105bn bal se cadadka lacagtaasi ma ah madax banaan looma xaqiijin karo. Rasiiddada ayaa lagu daabacay lacag dhan 18.6 bilyan oo doolar oo kayd ah, ha se ahaatee, warbaahinta ayaa baahisay khlaladaad ka jira dhinaca xisbaata.

 

Dimuqraadiyiinta oo ku orriyay Trump

Shantii daqiiqo ee ugu horraysay ee khudbadda Trump waxa madasah laga saaray mudane laga soo doorto gobolka Texas oo la yidhaahdo Al Green, kaddib markii uu diiday in uu u hoggaansamo amarka afhayeenka golaha ee ahaa in uu ku ekaado kursigiisa.

 

Qaar ka mid xubnaha Dimuraadiga ayaa kor u taagayay boodhadh ay ku xardhan yihiin "Tani waa been", intii ay socotay khudbaddu.

 

Xisbiga Jamhuurigu ayaa gacanta ku haya Aqalka Cad, Aqalka Wakiillada iyo Senetka, halka Dimuqraadiyiintu ay intooda badan u muuqdaan kuwo aanay gacanta wax badani ugu jirin iyaga oo ka shaqaynaya sidii ay fariintooda u meel marin lahaayeen ugana hortagi lahaayeen dhaq-dhaqaaqyada kaga imanaya maamulka Trump.

 

Mudaharaadayaal dumar u badan oo la safan dimuqraadiga ayaa iyaguna si daran u mucaaraday Trump, iyaga oo qaarkood dharkooda ku xardhay hadallo nacayb ah.

 

Siyaasadda Trump io Sicir-bararka

Intii u uku guda jiray ololihiisa doorasahda, Trump waxa uu cod bixiyayaasha u ballan qaaday in uu wax ka qaban doono sicir bararka marka uu xafiiska ku soo laabto. islamarkaasi waxa uu khudbaddiisan ku soo hadal qaaday in uu diiradda saari doono dhimista tamarta, iyada oo taasi beddelkeeda loo guuri doono qodista shidaalka iyo gaaska.

 

"Waxaan leenahay dahab dareere ah oo dhulkeenna ku hoos duugan. Waa mid aan dheer nahay waddan kasta oo caalamka ku yaalla. Waxa aan si buuxda u amray koox khibrad u leh arrimhaasi."

 

Qiimaha sare u kaca ee ukunta ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ahaa wararka ugu waaweyn. Madaxweyne Trump ayaa caddeeyay cidda uu ku tuhmayo in dhibaatadaas ay mas'uul ka tahay.

 

"Joe Biden si gaar ah ha u ogolaado in qiimaha beedku uu faraha ka baxay - waxaanan aad uga shaqaynaynaa sidii aan dib ugu soo celin lahayn," ayuu raaciyay.

 

Sicir bararka ayaa xoogaa sare u kacay 3% bishii hore, laakiin aad ayuu uga hooseeyaa halkii uu gaadhay 2022 oo ahayd 9.1%.

 

Saddexdii qof ee Maraykan ah mid ka mid ah ayaa oggolaaday sida uu Trump u maareeyo qiimaha nolosha, sida lagu sheegay baahditaan ay Talaadadii samaysay Reuters/Ipsos.

bbc/somali
     
Loading...