Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan M Cabdillaahi Cirro oo dalka Imaaraadka carabta kaga qayb galay shir caalamiga ah oo uu heerkiisu gaadhsiisan yahay ka hadalka Mustaqbalka caalamka, kaas oo ay martigelisay Dawladda Imaaraadku, looguna casuumay Dalkeenna si rasmi ah, ayaa halkaasi ku soo bandhigay mustawaha Somaliland ee adduunka, qaarada Afrika iyo gobolka ay kaga taallo mandaqada Geeska Afrika.
Madaxweynaha ayaa si meqaam sare ah uga soo muuqday Shirkan oo hal ku dhegiisu yahay kulanka dawladdaha Caalamka (World government summit), kana qaybgaleen Lix kun oo qof (6000) oo dunida kala socda, kuna sugan yihiin in ka badan soddon madaxweyne, waxaanu kaga hadlay qodobbo waaweyn oo hortebin u leh inuu qof walba oo madasha ku sugani yaqiinsado qaddiyadda Qarannimaddeenna. Waxa kale oo madaxweynuhu ka jawaabay su’aallo la waydiiyey.
Warbixinta madaxweynaha iyo waydiimaha uu ka jawaabay ayaa taabanayey afar qodob, kuwaasoo ku taxaluqaSooyaalka jiritaanka taariikheed ee Somaliland, Qaan-gaadhnimada Dimuquraaddiyaddeed, Ahmiyadda Dekedda Berbera iyo Badda Cas iyo doorka Somaliland.
Sooyaalka jiritaanka taariikheed ee Somaliland:
Madaxweyne Cirro, wuxuu si banyaal ah u sharraxay taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu caddeeyey inuu dalkani ahaa mid lahaa jiritaan madaxbannaani oo hore, kaasoo uu salka ku hayo dib ula soo noqoshadii 1991-kii xornimada.
Haddalka madaxweynuhuwaa iclaamin taariikheed oo muujinaysa in aan dalkani u dabranayn cid kale, balse uu caqabad aqoonsi la’aaneed kala kulmay khalad uu galay oo uu dib u saxay;
"Ka Somaliland ahaan, ka dal ahaan, waxa aanu xorriyadda qaadannay 26 kii June sannadkii 1960 kii. Laakiin nasiib darro waxa aanu doorannay in aanu iska dhiibno xorriyaddaa oo aanu raadinno Soomaaliweyn, oo aanu darsano Soomaaliya oo xorriyadooda helay 5 cisho kadib 1dii july 1969 kii. markii aanu annagu (Somaliland) helay.Somaliland waxa ay goonni isu taageeda dib u heshay sannadkii 18 kii May 1991 kii,”ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Qaan-gaadhnimada Dimuquraaddiyaddeed:
Madaxweynaha ayaa is-dultaagay nidaamka Dawladdeed iyo nooca hab-siyaasaddeed ee Jamhuuriyadda uu madaxtinimaddeeda la wareegay dabayaaqadii kalhore, waxaanu si kalsooni leh u caddeeyey inuu yahay madaxweynihii lixaad ee kursiga dalka looga taliyo fadhiista sooyaalka dawladda ee Qarankiisa. Marka laga hadlayo qodobkaasi waa mid ay garan karaan goob-joogeyaal badan oo madasha ku sugnaa, laakiinse la hubo in ay kuwo badan oo kale ku noqoto ugub iyo arrin lama filaan ah, sabab la xidhiidha in aan xadaarad iyo ilbaxnimo noocan ah laga suureysan karin waddan ku yaalla gobolka ugu xasaraddaha badan Qaarada Afrika.
Sidaasoo ay tahay Madaxweyne Cirro wuxuu sharraxay Dalkiisa "Somaliland waa dal. Waa waddan dimuqraaddi ah oo qabsaday doorashooyin, kuwaas oo awooddana u la kala wareega si nabadgelyo ah oo dimuqraaddiyad ah.”
Ahmiyadda Dekedda Berbera:
Shirka waxa marti-geliyey, kuna casuumay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dawladda Imaraadka Carabta. Labadan dal waxa dannahooda isku-tollay Iskaashi dhaqaale iyo Istaraajiyaddeed oo ay udub-dhexaad u tahay Dekedda Caalamiga ah ee Berbera. Tanina waa sababta uu madaxweynuhu ugu nuux-nuuxsaday ahmiyadda weyn ee Dekedda Berbera. Madaxa Shirkadda DPWORLD oo madasha ka hadlay, madaxweynaha kaddib ayaa iftiimiyey sababta ay Shirkaddiisu ku dooratay Marsada Berbera.
Madaxweynuhu wuxuu shaaciyey "Dekedda Berbera waa deked caan ka ah badda cas. Waa deked qadiimi ah..” "Waxa ay noqotay deked muhiim ah oo imika adeeg siisa inta badan dalalka Africa ee aan lahayn dekedaha…”
Badda Cas iyo doorka Somaliland:
Somaliland waxay kamid tahay saamileyda badda Cas. Madaxweyne Cirro ayaa bishii Januarymustaxiil ka dhigay in madal Somaliland ka maqan tahay go’aan lagaga gaadho arrimaha badda Cas.
"Dalalka Badda Cas, Dowladaha kulaalaya iyo quwadaha Dunida ee danaynayaba, waxa aannu xasuusinaynaa in Somaliland ay ka mid tahay mulkiilayaasha ugu muhimsan ee Badda Cas, waxay awood u leedahay Gacanka Cadmeed oo ah afaafka Badda-cas laga galo, sidaas awgeed, aqoonsi la’aanta Somaliland, xalaal kama dhigayso in laga reebo arrimaha khuseeya amnigeeda”ayuu khudbad ku sheegay madaxweynuhu bishii hore xilli uu sugnaa taliska Ciidanka Illaalada Xeebaha ee Hargrysa.
Madaxweynuhu mar kale isagoo qaddiyadan ka hadlayey waxa uu madasha Shirka ka beyaamiyey inay Somaliland leedahay masaafada ugu dheer ee gacanka cadmeed. Waddo ganacsiga adduunku maro 34%, lehna taariikh dheer oo la isticmaalayey "Marka la eego xaaladda ay hadda dunidu ku sugan tahay. Somaliland waxa ay ku taallaa bogcad istaraatiji ah, waxa ay leedahay 850 KM oo ah xeebta ku teedsan gacanka cadmeed. Waxaana dekedda Berbera la adeegsanayay tan iyo xilliyaddii hore sida xilligii dagaalkii qaboobaa. Mar Ruushku adeegsado iyo mar Maraykanku adeegsadeen, waxa aad halkaa ka fahmi kartaa muhiimadda istaraatijiyadeed ee Berbera.”
Istaaraatiijiyada dal ahaaneed ee Somaliland
"Somaliland waxa ay leedahay muhiimad weyn oo istaraatijiyadeed, waa meel laga quudin karo badi dalalka geeska Africa. Maadaama xidhiidh fiican ay Somaliland la leedahay dad badan oo reer Somaliland ahina ay ku nool yihiin Ethiopia”sidaasi waxa yidhi guddoomiyaha shirkadda caalamiga ah ee DPWorld Md. Suldaan Axmed Bin Suleiman madaxweynaha garabkiisa isagoo fadhiya la waydiiyey derajada ay dunida ka marayso dekedda Berbera wakhtigantan iyo intii ay maalgelinta ballaadhan ku sameeyeen ayaa ka warramay sababta ay ku doorteen Dekeddan.
Maalgelinta Dekedda Berbera ay ku samaysay Shirkadda DPWORLD, waxay laambad iftiin weyn leh ku dulshiday muhuumada ay leedahay bogcad ahaan, marka laga hadlayo dhinaca Ganacsiga iyo nabad-gelyo, taasina waa sababta ay u soo dhaweeyeen madaxda Jamhuuriyadda ee kala dambeeyey.
Guddoomiyaha Shirkada DP WORLD, ayaa dib ugu laabtay xulashadoodii maalgelinta Dekeddan muhiimka ah "waxa aanu daraasad ku samaynnay Ethiopia oo ah macmiilka ugu weyn ee tirada dadkoodu 100 ka milyan kor u dhaaftay, waxa aanu ogaannay in ay ku fillaan karaan ugu yaraan shan dekedood, dabadeedna waxa aanu u xulnay Berbera maadaama ay istaraatijiyad ahaan muhiim tahay, waxa aanu ka hawl galnay jidka Berbera iyo Ethiopia isku xidhaya ee corridor ka ah, dadka reer Somaliland waa 4 milyan oo tiro ahaan dal dad badan ma aha, hasa yeeshee waxa ay leeyihiin ganacsato badan oo halkaas wax kala soo dega”
Muuqashada Weftiga Somaliland ee ka qaybgalay Shirkani waxa uu fursad siiyey taageerayaasha aqoonsi raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.
Billihii la soo dhaafay waxa socday dhaqdhaqaaqyo ay wadaan Kooxaha u ololleeya qaddiyadda Somaliland ee Goleyaasha Maraykanka, kuwaasoo kor u qaaday hindise-dhalinta iyo iclaaminta deddaallo Madaxweyne Trump ku riixaya inuu qalinka ku duuggo Ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland.
Qorshahan ayaa aad kor ugu kacay tan iyo markii uu talada ku guulaystay Madaxweynaha cusub ee dalkaasi Donald Trump.
Inay Somaliland hesho maqaamkeeda caalamiga ah waxa muuqata inay wakhtigan riixayaan duruufo waaweyn oo dunida ku soo kordhaya, waxaana xilligan ictiraafka JDL u noqonayaa mid soo deg dega ahmiyadda juquraafiyaddeed ee uu leeyahay dartii