Somallando oo Jawaab Adag ba Bixisay Hadal ka soo Yeeshay Maamulka Garoowe

Wednesday March 05, 2025 - 23:19:43
hadhwanaagnews
Qoddobka 10aad fiqradiisa 7-aad ee dastuurka JSL waxa uu jidaynayaa
May be an illustration of text


Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay taariikh dheer u leedahay la dagaallanka argagixisada iyo budhcad baddeeda oo ay ka fogaysay dalkeeda, juhdigii ay ka samaysay ka hortagga argagixisaduna wuxuu noqday mid deyr u ah mandaqada oo dhan.

Qoddobka 10aad fiqradiisa 7-aad ee dastuurka JSL waxa uu jidaynayaa: "Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka soo horjeeddaa falalka argagaxisnimada ujeeddo kasta ha lahaadeene.” Somaliland waa dalka keliya ee mandaqada ku yaalla ee dastuurkiisu waajibayay la dagaallanka argagixisada.

Sidaas awgeed, Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa mar walba ka go’an la dagaallanka argagixisada, waxaanay iskaashi wax ku-ool ah kala leedahay arrintaas dalalka jaarka ah.

Ugu dambayn, waxa wax lala yaabo ah eedaha deel-qaafka iyo cuqdada ah ee ay ka muuqato nafla-caarinimada la qarsan waayay oo maalmihii la soo dhaafay ka soo yeedhayay masuuliyiin ka tirsan maamul-goboleedka Puntland ee #Soomaaliya, kuwaasi oo ku eedaynayay Somaliland wax aanay dhaqan u lahayn, kana suurtogeli karin oo aan ku sifayn karno "Hadal meel waayay”.

     
Loading...