Waxa markale muuqata in loollanka ka taagan geeska Africa uu yeeshay
Waxa markale muuqata in loollanka ka taagan geeska Africa uu yeeshay weji kale, iyada oo ay socdaan dhaqdhaqaaqyo horseeday in Itoobiya iyo Somalia isu soo dhawaadeen, taas oo dhinaca kale shaki gelisay Masar iyo Eritrea oo markii hore Somalia xulufo ka dhigatay, balse si lama filaan ah ugu janjeedhsan tahay dhinaca Itoobiya, ka dib dedaalkii uu sameeyey madaxweynaha Turkiga ah oo labada dhinac isku soo dhaweeyey.
Itoobiya ayaa sheegtay in wakhti kooban uga hadhsan yahay in ay ka mid noqoto dalalka ku xeeran badda Cas.
Taliyaha Ciidamada Itoobiya, Janaraal Birhanu Jula, ayaa hadalkan u sheegay warbaahinta dalkiisa.