Wasiirka Qorsheynta Iraq, Mohammed Tamim, oo ka hadlayay
Natiijada kama dambaysta ah ee tirakoobkii ugu horreeyay ee laga sameeyo Iraq tan iyo 40 sano ka hor, oo la shaaciyay Isniintii, ayaa muujineysa in tirada guud ee dadka dalkaasi ay gaartay 46.1 milyan.
Sanadkii 2009, qiyaas aan rasmi ahayn ayaa lagu sheegay in dadka Iraq ay ahaayeen 31.6 milyan.
Mas’uuliyiinta Iraq ayaa ku tilmaamay tirakoobka mid taariikhi ah, iyaga oo xusay in xogta la helay ay muhiim u noqon doonto qorsheynta mustaqbalka iyo qeybsiga kheyraadka dalka.
Wasiirka Qorsheynta Iraq, Mohammed Tamim, oo ka hadlayay shir jaraa’id oo lagu shaaciyay natiijada tirakoobka, ayaa sheegay in howshaasi ay muujinayso "go’aanka adag ee dowladda” ee ku aaddan horumarinta xaaladda dalka.
Dowladda Iraq ayaa dadaal ugu jirta inay xoojiso horumarka dhanka amniga, kaddib tobanaan sano oo dagaallo iyo xasillooni darro ah, iyada oo sidoo kale dooneysa inay kobciso dhaqaalaha xilli gobolku wajahayo qalalaase siyaasadeed iyo mid dhaqaale.
Tirakoobku waxa uu bixinayaa aragti qoto dheer oo ku aaddan xaaladaha dhaqaale, waxbarasho, iyo guryaha, wuxuuna si gaar ah u kala qeexayaa xogta guud ee Iraq iyo tan gobolka is-maamulka leh ee Kurdiyiinta ee waqooyiga.
Daraasadda ayaa muujisay in 70.2% shacabka ku nool Iraq ay deggan yihiin magaalooyinka, halka gobolka Kurdiyiinta uu leeyahay heer magaaloobid sare oo gaaraysa 84.6%.
Sidoo kale, gobolka Kurdiyiinta ayaa lagu arkay heer shaqo oo ka sarreeya gobollada kale ee dalka, iyadoo 46% dadka gobolkaasi ay si firfircoon uga shaqeeyaan suuqa shaqada, marka loo eego 41.6% dadka Iraq inteeda kale. Diiwaangelinta carruurta ee dugsiyada hoose ayaa gobolka Kurdiyiinta gaartay 93%, halka heerka guud ee Iraq uu yahay 88%.
Si kastaba ha ahaatee, Iraq inteeda kale ayaa sare u dhaaftay gobolka Kurdiyiinta marka la eego lahaanshaha guryaha iyo helitaanka biyo nadiif ah iyo koronto dowladeed.
Wasiir Tamim ayaa xusay in xogta tirakoobka ay kaalin weyn ka qaadan doonto qeybsiga cadaaladda ku saleysan ee kheyraadka gobollada.
"Markii ugu horreysay muddo 40 sano ah, Iraq waxa ay si guul leh u qabatay tirakoob dhameystiran, taasoo suuragelinaysa qeybsiga kheyraadka si caddaalad ah,” ayuu yiri.
Natiijada kama dambaysta ah ee tirakoobka 2024 ayaa muujineysa in tirada dadweynaha ay ka badan tahay 1 milyan qiyaastii hore ee lasoo saaray bishii November, taasoo lagu sheegay 45.407 milyan.