Ciidanka booliiska magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madax-bannaanida ee Somaliland ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen afar nin oo u dhashay dalka Yemen, kuwaas oo la soo qabtay, iyaga oo guri magaalada ku yaalla dawooyin been abuur ah ku guraya kartoonno la beddelay taariikhdooda.
Saraakiisha ammaanka ayaa u sheegay weriyeyaasha in raggan ay ku soo qabteen hawlgal ay ka fuliyeen mid ka mid ah xaafadaha Hargeysa, oo raggan eedeysanayaasha ahi ku farsamaynayeen waqtiga la qabtay dawooyinka xilligoodu dhacay.
Afartaan nin oo la sheegay inay kasoo jeedaan dalka Yemen, ayay ciidanku sheegeen in ay baadhis ka dib u gudbinayaa maxkamadda si loogu soo oogo eedaha loo haysto.
Sidee loo qabtay raggan ku eedaysan dawooyinka been-abuurka ah?
Taliyaha qaybta bari ee magaalada Hargeysa gaashaanle sare Axmed Siciid, ayaa sheegay in nimanka Yamaniyiinta ah lagu soo qabtay xilli ay faraha kula jireen dawooyin been abuur ah oo taariikhda soo bixisteeda laga beddelayey, si taariikh aan sax ahayn loogu dhejiyo karaatoonta ay dawooyinkaas ku jireen.
"Dawooyinka ayaanu ku soo qabannay raggan Yamaniyiinta ah, iyaga oo inta ay urursadeen dawooyinkii dhacay dib ugu guraya karatoon cusub oo loo sameeyey taariikh aan run ahayn oo been abuur ah." Ayuu yidhi.
Maxamed Calmi Yaasiin, oo ah saraal ka tirsan Ciidanka Booliska Hargeysa, oo qayb ka ahaa soo qabashada raggan, ayaa isna sheegay in shan kartoon oo nooca dawooyinka ah, iyaga oo gacanta ku haya loogu tegay markii la qabanayey eedaynayaashan.
"Hawlgal maalmood socday ayaanu ku soo qabanay nimankan, waxaana qabashadooda gacan naga siiyey dawladda hoose ee Hargeysa iyo dadweynaha xaafadda ay ku sugnaayeen." Ayuu yidhi sarkaalkan.
Eedaysanayaashan ayaa sidoo kale lagu qabtay qalab kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Komtiyuutarro iyo shahaadooyin.
Maxay yihiin dawooyinka?
Inkasta oo aan si rasmi ah saraakiishan u xaqiijin noocyada dawooyinka been abuurka ah ee ay sheegeen in ay ku qabteen eedaynayaashan, haddana waxa ay tibaaxeen in ay dawooyinku ahaayeen kuwo waqtigoodu dhacay oo laga ururiyey goobaha dawooyinka lagu iibiyo, ka dibna karaatoon madhan oo laga keenay dalka Shiinaha dib loogu gurayey, si loogu moodo dawooyin cusub, sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Degmada Gacan Libaax ee Hargeysa Cismaan Aadan.
"Karaatoonnadan lagu gurayey dawooyinka dhacay, waxay garoonka Hargeysa ka soo degtay laba cisho ka hor, waan daba soconnay, waxaana laga keenay dalka Shiinaha, oo lagu soo sameeyey taariikhda lagu soo dhejiyey karatoonnada dawooyinkan ay ku ridayeen imika".
Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Axmed Maxamed Cadaad ayaa isna sheegay in ragga la qabtay ay qorshaynayeen in ay suuqa geliyaan dawooyinka been abuurka ah ee lagu qabtay, isaga oo tilmaamay in khatar caafimaad ay bulshada ku keeni lahayd arrintani.
Wuxuu xusay in lacag gaadhaysa ilaa sagaal kun oo dollar ay ku soo iibsadeen karaatoonta ay ku gurayeen dawooyinka dhacay "Karaatoontan waxa ay ku soo iibsadeen lacag gaadhaysa sagaal kun oo doollar, waxay tegayaan farmasiiyada ka dib dawooyinka dhacay ayey ka soo ururinayaan, waxay ka fujinayaan taariikhdii ku dhejisnayd ee dhacday ka dib, taariikh cusub ayey u samaynayaan, oo karaatoontan ayey ku ridayaan, si ay suuqa ugu iib geeyaan."
Ciidanka Booliska ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in ay Maxkamadda u gudbin doonaan raggan ay qabteen, si sharciga loo horgeeyo.
Deegaannada Somaliland ayaa waxa muddooyinkii u dambeeyey ku soo noq-noqonayey cabasho la xidhiidha tayada dawooyinka Somaliland soo gala, kuwaas oo qaarkood dhibaatooyin caafimaad bulshada ku keenaan.