> Governor/State Governor/Regional State :
Waxaa jira farqi wayn oo u dhexeeya Head of State iyo Governor ama State Governor ama Regional Governor iyo titles ka kale ee loogu yeedho Madaxweynayaasha, Guddoomiyayaasha Gobollada ama ismaamullada, Gaar ahaan marka la joogo diblumaasiyadda iyo arrimaha dibadda.
> Head of State : wuxuu la micno yahay madaxda qaranka ama madaxwaynaha rasmiga ah ee waddan leeyahay, Waa qofka matala waddanka si heer caalami, wuxuuna noqon karaa : Madaxweyne (sida Madaxweynaha Maraykanka ama Nayjeeriya), Ama Boqor/Boqorad (sida Boqorka UK ama Boqoradda Denmark)
> Governor/State Governor/Regional State :
Waa Hoggaamiye Heer gobol ah oo ka tirsan nidaam dowladeed, Wuxuu maamulaa Hal gobol ama maamul-goboleed, wuxuuna hoos yimaadaa dowladda dhexe, Waxaa badanaa lagu magacaabaa Regional Governo, Sidoo kale waxaa loogu yeedhi karaa ; Provincial Governor, Regional Commissioner, Chief Minister, iyadoo ku xidhan hadba waddanka uu kasoo jeedo.
Tusaale : Madaxweynaha Maraykanku waa Head of State, Maadaama uu matalo qarankiisa oo dhan, Halka Madaxweyneyaasha kililada itoobiya Ama States ka wadanka Nigeria ay yihiin Governors (Regional President), maadaama ay matalaan hal maamul-goboleed oo ka tirsan dowlad federaal ah.
> Sidaas darteed, Shirka World Goverments Summit ee imaaraadka ka dhacaya 11 bishan, Title ka la siiyay Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ee "Head Of State" Waxba kuma jabna oo waa Madaxweyne Waddan.