Unugyada jirka bini'aadamka ayaa waxaa uu ka koobanyahay in ka badan 37 trillion, kuwaas oo mid welibana jiritaankiisu xaddidanyahay.
Unugyadan ayaa si joogto ah loo beddelaa si xubnaha kale iyo habdhiska difaaca jirku u sii shaqeeyaan.
Unugyada dhiigga cas ayaa la sheegaa inuu yahay unugyada ugu badan ee jirkeennu leeyahay.
Ha yeeshee waqtiyo ka dib, tirada unugyada shaqeynaya waxay hoos ugu dhigi karaan heer ay xittaa sababi karaan calaamado kala duwan ama in xubnuhu shaqeyn waayaan.
Dib u soo nooleynta xubinta iyo habdhiska difaaca, waa qaab seyniska ku dhisan, balsemarka la eego tiradooda oo xaddidan awgeed iyo heerka hoose ee qaybinta awgeed, ma aha hab la taaban karo oo dib loogu soo nooleeyo xubnaha.
Waxay qaadan doontaa sannado badan in dib loo soo saaro dhammaan noocyada kala duwan ee unugyada muhiimka ah.
Ha yeeshee, dadka qaar waxay arkeen xubnahooda oo dib u "soo laabtay," sida Katy Golden, oo laba mar laga saaray qumanka iyada oo xiligaas qaan gaar ah, waxayna dib ugu soo laabteen in ka badan 40 sano ka dib.
Ka saaridda qayb ka mid ah qumanka, waxay horseedaa bogsasho degdeg ah iyo xanuuno yar yar, balse qiyaastii 6% carruurta ayaa wajahaa xaaladahaas, taas oo u baahan karta qalliin dheeraad ah.
Dadka intooda badan waxay la xiriiriyaan dib u soo kabashada xubnaha iyo korriinka beerkooda.
In ka yar 10% beerka ayaa dib u soo kaban kara oo noqon kara xubin si buuxda u shaqeeysa.
Marka uu difaaca jirkeenna isku baheysto inuu la dagaallamo waxyaabo jirka soo weeraray, waxaa dhici kartaa inuu six ad dhaaf ahu dagaal gal kadibna uu dhimasho sababo.
Daqiiqad kasta, unug walba oo dhiigga cas ah, waxaa u uku soo wareegaa madaxa ilaa faraha jirkeenna, wuxuuna dhameystiraa habka wareegga dhiigga ee jirka.
Unugyada waxay ku badan yihiin ragga, halka ay ku yaryihiin dumarka. Waxaa uu sidoo kale leeyahayunugyo kale balse ma badna.
Dhamaan unugyada jirka bini'aadamka, ku dhowaad boqolkiiba 90, waxay ku jiraan dhiiggaaga.
Xubinta kale ee awoodda u leh inay dib u koraan waa beer yaraha, oo ay mararka qaarkood dib u soo kabsato iyada oo aan dadku dareemin.
Beer yaraha waa xubin halis sare ugu jirta dhaawac waana xubinta ugu badan ee waxyeelladu gaarto dhaawacyada soo gaara caloosha.
Tani waxay sababi kartaa dhimasho haddii aan si dhaqsi ah loo daaweyn.
Jirkeennu ma soo saaro unugyo cas cas oo daciif h, maadaama ay jirto maaddo ka caawiso samaynta unugyada dhiigga. Waxay soo saartaa kiimiko la yiraahdo Bilirubin, taas oo gaarta ilaa dheefshiidka.
Sanadihii la soo dhaafay, waxaa sidoo kale la sheegay in sambabadeena ay leeyihiin awood dib u soo kabasho ah.
Waxaa la og yahay in tubaakada iyo wasakhowga kale ay burburiyaan alveoli ee ay ogsijiinta u gudubto dhiigga.
Kumanaanka kiimiko eek u jira tubaakada la dhuuqo, waxay waxyeeleeyaan, ayna bedelaan hiddo-sidaha ku jira unugyada sambabka, waxayna si aayar ah isugu badalaan kansar.
Si kastaba, marka qof uu iska joojiyo waxyaabaha la dhuuqo sida sigaarka, unugyada badbaaday ayaa bilaaba inay kobcaan ka dibna ay bedelaan kuwa xanuunsaday ee sambabku ku jiro.
Dadka iska daaya sigaarka, boqolkiiba 40, unugyadooda waxay u ekaanayaan dadka kale ee aan weligoodba sigaar cabin.
Xubnaha kale ee kobca ee kamid ah jirka bini'aadamka, waxaa kamid ah maqaarka, lafaha iyo mararka qaar kelyaha.
bbc/somali