Dhambaal ku Socda Dhalinyarada Soomaaliyeed

Wednesday February 05, 2025 - 20:24:15
hadhwanaagnews
Dhalinyarada Soomaaliyeedow,


Dalkayagu wuu dhaawacmay. Dadkayagu wuu daalay. Qabyaaladdu waxay jarjartay halbowlayaashii midnimadeenna. Faqrigu wuxuu xannibay maskaxdii hal-abuurka lahayd. Colaadaha, nacaybka, iyo kala aamin-baxa ayaa daboolay iftiinkii walaaltinimada. Jahligu (aqoon darridu) waa aafada ugu weyn ee abuurta dhammaan dhibaatooyinka kale—wuxuu dilaa garaadka, wuu quudiyaa nacaybka, wuxuuna ka dhisaa darbiyo kala qaybiya dad isku diin iyo isku dal ah.


Waxaa intaas ka sii daran madaxda danaystayaasha ah—kuwa aan dan ka lahayn mustaqbalka ummadda, balse hunguri iyo dano gaara u hibeeyey masiirka dadkooda. waxayna iibiyaan sharafta dalkooda si ay kursi u helaan/ilaashadaan.

Intaas waxaa dheer in dad badan ka fogaadeen ku dhaqankii diinteena suuban, taas oo ahayd tiirkii naga dhigi jiray ummad sharaf leh oo isku duuban.

Maxaa naga dhigay ummad is nacaysa, halkii aan isku naxariisan lahayn?

Maxaa sababay in dhiigga Soomaaliyeed uu raqiis noqdo, halkii uu lahaa qiimaha ugu sarreeya?

Ilaa goormaan aamusnaan doonaa anagoo og in aamusnaantaasi ay dhimasho ka khatar badan tahay?

Maxaa nagu kalifay in aan ka fogaanno aqoonta, taasoo ah furaha kaliya ee xoreeya maskaxda?

Maxaa naga dhigay kuwo daawanaya madaxda na iibinaysa halkii aan la xisaabtami lahayn?

Waxaa nalagu leeyahay waajib weyn. Annaga ayaa ah laf-dhabartii bulshada; haddii aan nahay kuwo hurdaysan, ummaddu way dhimanaysaa. Alle (SW) Qur’aanku wuxuu kuleeyahay:

"إِنَّ اللَّهَ لا يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّى يُغَيِّرُوا مَا بِأَنفُسِهِمْ"

(Ilaahay ma beddelo xaaladda qoom ilaa ay naftooda ka beddelaan.)

Ha noqon mid kaliya daawade ka ah burburka ummaddiisa. Noqo iftiinka jebiya mugdiga, codka jebiya aamusnaanta, iyo ficilka jebiya dhibaatooyinka.

Haddaba, go'aanso maanta: ma waxaad noqon doontaa qayb ka mid ah mushkiladda mise waxaad noqon doontaa qayb ka mid ah xalka?

Jawaabtaas adigaa gacanta ku haya.

Fadlan meel dheer nala gaarsii fariintan oo la wadaag saxiibadaa.

W/Q Usame Qiyasle

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...