Markaasi, ka dibna Wasiirka Beeraha, ayaa min laba baabuur..
Gaadiidkan waxa lagaga shaqaynayaa Mashruuca FSRP Oo uu Baanka Adduunku Maalgeliyey Oo Ay Wadaagaan Wasaaradaha Beeraha, Xoolaha & Degaanka.
Marka hore, Isku-xidhaha Mashruuca FSRP Kayse Jeelle, ayaa Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha Maxamuud Cige Yuusuf ku wareejiyey Gaadiidkan uu bixiyey Baanka Adduunku.
Markaasi, ka dibna Wasiirka Beeraha, ayaa min laba baabuur ku wareejiyey Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Cabdillaahi Geel-jire & Wasiir ku-xigeenka xanaanada Xoolaha Cali Cantar, kuwaasi oo lagaga shaqaynayo Mashruuca FSRP oo labada Wasaaradood la wadaagaan Wasaaradda Beeraha oo gaadiidkeeda uu guddoomay Wasiir ku-xigeenka Beeraha Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax.