Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
1-Bakhayliyo Fulaa Baqanayee,Beeshu Waa Nabad,
Baaloxoofto Uma Baahniniyo,Boqoro Qaqawan.
2-Biidhiqaatayaal Iyo Dilaal,Biixi Wuxuu Caydhshay,
Buur Fuushaa,A Iyo Banaan,Booq Ka Kicisaanba.
3-Baankii Haddu Furanyahaye,Boobaay Yaa Wadani,
Bilayska Looma Baahna Iyo Askari,Baaja Tuugada.
4-Budhcada Iyo Dhuljiifki Hadday,Soo Baraarugiye,
Barqa Dhereg Wadaniyow,Idinkon Binina Reebayn.
5-Baahida Ka Baxa,Maalinuun Boodhka Wada Maydha,
Buurahadun Fusheen,Ciidankaad Baaska Mariseen.
6-Bilaash Laguma Laynaynine,Kursiga Baahilo Qabay,
Doorashadan La Buunbuuniye,Beenta Lagu Faano.
7-Barigiyo Galbeed Waa Ogyaye,Beeshaa Tidhi Yeela,
Baaqoodii Qaraniyo Dastuur,Waa La Baal Maray,
Baabiiso Dalkeenii Dhamaa,Doorkan Wuu Buray.
Ismail Abdillahi Handuleh.
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!