Dalabka Ictiraaf Raadinta Somaliland oo Xoogaystay kadib Xidhiidhka USA, taas oo Dib-u-qaabaynaysa Geeska Afrika

Saturday January 11, 2025 - 13:10:21
Hadhwanaagtv
Warbixintan ayaa sheegtay in tallaabooyinka iyo xirfadaha cusub...



Warbixin ay qortay warbaahinta Tribune ayaa iftiimisay xawliga iyo sida yy u xoogaysanayo dalabka iyo dedaalada ictiraaf raadinta Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo lagu xoojinayo tallaabooyin dhawr ah oo ay ka mid yihiin iskaashiga militari iyo midka diblomaasiyadeed ee ay la samaynayso qaar ka mid ah dalalka caalamka.

 

Warbaahintan caalamiga ahi waxa kale oo ay tilmaantay in Somaliland ay si xirfad sare ku dheehantahay ugu adeegsanayso muhiimadeedas istiraatiijiyadeed si ay u hesho aqoonsi caalami ah, iyadoo kaashaneysa marin-biyoodka muhiimka ah ee Berbera iyo xidhiidhka cusub ee Mareykanka.

 

Warbixintan ayaa sheegtay in tallaabooyinka iyo xirfadaha cusub ee ay kaashanayso Jamhuuriyadda Somaliland, si ay u hesho aqoonsi caalami ah ay muujinayaan isku dayada joogto ah ee ay ku dooneyso in ay kasbato dhegeysi beesha caalamka, taasoo laga yaabo inay abuuri karto isbeddello waaweyn oo ku yimaada siyaasadda gobolka Geeska Afrika, sidoo kalena qaabaynaysa dhaq dhaqaaqa Geeska Afrika.

 

Warbixinta ayaa sidoo kale waxa lagu sheegtay in hannaankan cusub ee Somaliland uu abuuri karo jiho cusub oo ay Somaliland ugu guuleysato inay kaalin muhiim ah ka ciyaarto istiraatiijiyadda gobolka iyo caalamka, inkasta oo caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ay ku hareereysan yihiin.

 

Warkan oo uu qoray saxafiga caanka ah ee Azhar Azam oo wax ka qora arrimaha juquraafiga istiraatiijiga ah, siyaasadda gobolka, iyo colaadaha ka taagan Geeska Afrika. Waxa uu falanqeyn ku sameeyaa sida isbeddellada juquraafiga iyo iskaashiyada caalamiga ahi u saameeyaan gobolka, iyada oo la adeegsanayo dhacdooyinka cusub ee waaweyn ee saameeya degaanka iyo dadka ku nool.

 

Warkan oo ay baahisay warbaahinta Tribune oo ku qornaa luuqada Ingiriisiga oo aanu u soo turjunay af Soomaali waxa uu ku bilaabay sidan:- "Somalialnd waxay ku taal Geeska Afrika oo leh xeebo boqolaal mayl ah oo ku teedsan gacanka Cadmeed, waxayna xuduud la leedahay Itoobiya Koonfur iyo Galbeed iyo Jabuuti oo waqooyi-galbeed ka xigta, Somaliland waa dawlad madaxbanaanidiisa ku dhawaaqay sannadki 1991-kii balse aan weli la aqoonsan. caalami ahaan.

 

Isbeddelka ayaa dhacaya dhawaan iyada oo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Richard Riley uu ka qeyb galay caleema saarka madaxweynaha cusub ee Somaliland C/raxmaan Maxamed C/llaahi, wuxuuna sheegay inay tahay "mid ka mid ah tusaalaha ugu wanaagsan ee dimuqraadiyadda Afrika”.

 

Maalintii madaxweynaha Cusub ee Somaliland la dhaariyey, ayaa Xildhibaan Scott Perry oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ee Maraykanku waxa uu soo saaray sharci dhigaya in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan. Jamhuuriyaddu waxay isku dayeen inay Congress-ka ku ansixiyaan sharci taageersan Somaliland.

 

Markan sharcigan ayaa laga yaabaa inuu ansixiyo iyadoo gacanyarayaashii hore ee Donald Trump ay sheegeen inuu aqoonsan karo Somaliland iyo sababta oo ah dawladda dhabta ah waxay muujisay inay diyaar u tahay inay Maraykanku saldhig milatari ka siiyaan Berbera oo u dhow marinka Bab-el-Mandeb, marin muhiim ah oo maraakiibta. Raas oo isku xidhaa Badda Cas iyo Badweynta Hindiya iyada oo loo marayo Gacanka Cadmeed – waxay si weyn u kordhisaa qiimaha istaraatiijiyadeed ee dhaqdhaqaaqyada ganacsi iyo kuwa milatari.

 

2020, Somaliland waxay xafiis ka furatay Taiwan, taas oo Shiinahuhu ka cadhooday. Dhowaan, wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Taipei, François Chihchung Wu, ayaa hoggaaminayay wafdi ka qaybgalay xafladda dhaarinta Madaxweynaha cusub ee Somaliland. Tan iyo sidoo kale xidhiidhka dhow ee Beijing ay la leedahay Muqdisho iyo taageerada ay siiso midnimada dhuleed ee Soomaaliya ayaa ku riixi karta Mareykanka inuu tixgeliyo soo jeedintan aqoonsiga Somaliland.

 

Mashruuci 2025-ka – ajande muran badan dhaliyay oo ay abuureen garabka midig ee Heritage Foundation oo loo arko in uu yahay qorshaha maamulka Trump ee iman doona – waxa uu ku baaqay "in la aqoonsado qaranimada Somaliland oo ah dayr ka dhan ah mawqifka Maraykanka ee Jabuuti oo sii xumaanaya”, Somaliland. waxay haysataa fursad wanaagsan oo uu naftiisa ku aqoonsan karo Trump.

 

Imaaraadku ilaa hadda waa ciyaaryahan GCC ugu weyn Afrika. Iyadoo Abu Dhabi ay 59.4 bilyan oo dollar ku maalgelisay qaaradda tobankii sano ee u dambeeyay, waxa ay ka hawlgashaa isku xidhka saadka iyo dekedaha Geeska oo ay ku jirto Somaliland. Imaaraadku waxa uu hore saldhigyo millatari uga samaystay Ereteriya iyo Somaliland, intii uu ololaha millatari ka waday Yemen.”

     
Loading...