Dagaalku waa mowduuca ugu wacan dhammaan!

Monday December 30, 2024 - 20:45:07
Hadhwanaagtv
Alla Soomaalidu dagaal jecelaa!

Qoraayaddu waxaa ay ka fikiraan, mowduuc ay wax ka qoraan. Marka aad mowduuc hesho, ayaa wax qori kartaa. Haddaba, qoraaga weyn ee Ameerikaan ah Ernest Hemingway , waxaa uu ku talinayaa in dagaalka wax laga qoro; waraaq uu saaxiibkii F . Scott Fitzgerald uu u soo qoray , ayaa ku sheegay sidan: "Dagaalku waa mowduuca ugu wanaagsan dhammaan".

Arrintani waxa ay dib ugu noqonaysaa sooyaalkiisa. Waxaa uu wade ka ahaa gaadhi ambulance ah dagaalkii kowaad ee adduunka. Wuxuu arkay markii horeysay, masiibooyinka ka dhex socda dagaalka dhexdiisa. Taasi oo uu ka bartay in habka sheekatebinta fiican.

Haddaba , Soomaalyeey waan idin arkaa oo marka aad maqashaan dagaalku waa mowduuca ugu wacan ee waxqorista , indhaha ayaa soo wada taagaysaan. Waad ku soo cararaysaan ileen isdilku iyo isgumaadku waa dhaqankiinee. Iskama kiin eedaynayee, waxaa markhaati ka dhiganayaa Abwaan Timacadde:
"Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey
Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinna
Wallee doogsan maysaan haddaad dunida joogtaane
Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane".
Alla Soomaalidu dagaal jecelaa!

Iyada oo ay sidaas tahay oo dagaal iyo colaad idin daashaday, ma kula tahay in aan idinku dhiirigaliyo in qalinkiinnu dhiig qoro? Gacmihiina ayaa dhiig leh ee qalinkiinu in dhiig hunqaaco ma rabo.

Waxba yaannu qalinku ila sii durkin. Maahaba halka aynu u soconnay, balse waxaa i jiitay dareen gudahayga ka guuxayay oo ah dagaalka maalmahan Soomaalidu isku dhammaysay ee meel walba ka socda..
Aynu soo dabaalno oo aynu jidka ku soo ridno halka ay u jeeddadeennu u hayaamaysaye, muxuu qoraagu uga jeeddaa: dagaalku waa mowduuca ugu wacan dhammaan?
Waxaa aad ogaataa in ay tahay talo qoraal ee ayna ahayn talo dagaal!

Qoraagu waxaa uu ku talinayaa, marka aad sheeko khiyaal ah qorayso , kama maarmayso nolol, dhaawac iyo dhimasho; waxaa jiraaya wax dilaya jilahaaga. Taasina waa waxa u raadinaysay buugaaga ama sheekada aad qoreysay.

Ernest Hemingway, waayaragnimadii uu ka helay dagaalka uu ku raacay isaga oo 18 jir ah, waxaa u adeegsaday dhanka qoraalka. Waxaa uu u arkay sida dagaalka uu dhacayo, qaab ahaan iyo macno ahaanba.
Wuxuu ku leeyahay, "dagaalka waxaa uu inna siiyaa waxlaha badan oo diiradda la saaro, wuxuu dedajiyaa ficilka, wuxuu soo saaraa waaya-aragnimo balaadhan oo laga yaabo in aadamiga noloshooda ay ku qaadan lahayd waqti badan."

Sidaas awgeed, ayaa uu u yidhi, dagaalku waa mowduuca ugu wacan dhammaan, waayo dhacdo kasta oo uu qorayo, waxaa ka caawin jiray waaya-aragnimadii dagaalka, markaas ayaa uu ka dheegan jiray qaabkii uu falku u dhacayo iyo xawaaraha uu ku dhacayo; taas ayaa ka dhigtay qoraalkiisa mid dhaayuhu jeclaystaan.
Haddaba, wax kasta oo aad qoreyso, waxaa ku jira isdiidooyin iyo dagaal. Nolosha ayaa iska dagaal ah, xitaa adiga iyo naftaada ayaa dagaalama! Waa sababta uu dagaalka ugu magacaabay: dagaalku waa mowduuca

 ugu wacan dhammaan ( war is the best subject of all)

W/Q: Maxamed Haybe Axmed.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...