Maxay yihiin dareennada ugu wacan nolosha?

Wednesday July 03, 2024 - 08:29:02
Hadhwanaag
Hadda, waxaad joogtaa sariirtaadii, ilaa haddana waxaad


Intaad hore u soo kacday. Wajibaadkii Alle soo gudatay. U hurtid naftaada iney dhammayso dhammaan shaqooyeenkeeda iyo kuwii toddobaadkii hore dib kaaga dhacay.

Waxaad ku bilowday mowduuca kuugu adag, waxaana ku soo xidhay ka aad ugu jeceshay. Waxaad fadhiisatay miiskaagii. Waxbaad ku akhrisatay. Waxaa aad uga gudubtay layliyadii lagaa rabay inaad ka shaqayso; iyagana waad ka faraxalatay.

Dib intaad isugu kala bixisay kursigii aad ku fadhiday, ayaad neef qotodheer qaadatay. Waxaa wajigaaga ka muuqata farxad iyo sharaf; sababteedu tahay inaad dhammaysay shaqooyinkaagii.

Ka dib, waxaad fadhiisatay miiskii cuntada. Waxaad cuntay cunto ka badan taadii caadiga ahay, maxaa yeelay, waxaad qabatay shaqo badan, waana dhammaysay howshaadii oo dhan, adiga ku shaqeeyay jadwalkii aad dhigatay.

Hadda, waxaad joogtaa sariirtaadii, ilaa haddana waxaad dareemaysaa raynrayn iyo inaad ku faannayso naftaada oo aad iyo aad ugu qirsan tahay. Waayo, waqtigaagii qaaliga kaama lumin. Waxaad ammintaadii ugu shaqaysay yoolkaagii aad rabtay.

Akhriste, intani ka mid ma tahay, dareennada ku farxadgeliya?
Maxamed Haybe Axmed.
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...