Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka muuqda horumarro xawli ah oo saamayn weyn leh, kuwaasi oo la xidhiidha xukuumadda uu soo dhisay madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, taas oo uu digreeto madaxweyne ku magacaabay todobaadkan.
Xukuumadda cusub ayaa Golaheeda Wasiirradu waxay ka kooban-yihiin 28 Wasiir, saddex Wasiiru-dawle, iyo 17 Wasiir ku xigeen, si ay u fuliso ballan-qaadyadii doorashada iyo qorshaha istiraatijiyadeed ee xisbiga talada haya ee WADDANI, kaas oo talada dalka la wareegay ka dib doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday 13-kii November 2024. Doorashadaasi oo ku sifowday hufnaan iyo daah-furnaan ay ka markhaati kaceen goob-joogayaashii caalamiga ahaa, taas oo mucaaridku kaga guulaystay xisbigii dalka hoggaaminayay ee KULMIYE cododkii la dhiibtay saddex meelood laba meelood.
Talaabadan ayaa ka tarjumeysa jawiga dimuqraadiga ah ee ay ku naalooneyso Jamhuuriyadda Somaliland oo aan wali helin aqoonsi caalami ah, inkasta oo ay ku guuleysatay in si nabad ah ay xilka isugu wareejiyaan lix madaxweyne oo soo xukumayay jamhuuriyadda tan iyo markii ay ku dhawaaqday in ay ka go’day Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya May 1991.
Afar Madaxweyne oo ka mid ah lixda madaxweyne ee dalka soo maray, shacabka reer Somaliland ayaa toos ah ugu soo doortay doorasho xor ah ooh al qof iyo hal cod ah, midkoodna ma awoodo inuu xilka sii hayo mar labaad. Dowladda hadda jirta waxaa horyaalla caqabado kala duwan oo isugu jira kuwo siyaasadeed, dhaqaale, iyo kuwo bulsho oo ay dooneyso inay ka gudubto si ay u ilaaliso danaha qaranka oo ku jira xaalad adag, taas oo keentay in la is weydiiyo sida dowladda cusubi ay wax uga qaban karto caqabadahan waaweyn ee dalku wajahayo.
Nidaamyada dimuqraadiga ah ee soo baxaya waxay u baahan yihiin in la dhiso dawlad ku sifaysan dhinacyadan soo socda:
1- Karti farsamo.
2- Aqbalaada kala duwan ee Bulshada.
3- Matalaadda Bulshada oo dheeli tiran.
Arrintaas ayaa loo sameeyaa si loo ilaaliyo dheelitirka bulshada ee saami qaybsiga mansabyada siyaasadeed ee qaybaha bulshada, gaar ahaan iyada oo qabyaaladdu jirto, taas oo saamayn muuqata ku leh qancinta bulshada iyo qaybaheeda kala duwan.
Guud ahaan calamadaha isu dheelitirka iyo soo dhawaynta bulshada ayaa si weyn uga dhex muuqda golaha wasiirada cusub, taas oo uu ku guulaystay dheelitirkeeda madaxweynaha JSL in uu buuxiyo sadexdii waji ee hawlkarnimada, soo dhawaynta shacbiga iyo matalaad bulshada oo miisaaman.
Guud ahaan waxa soo bixi doona faylal gudaha ah oo ay ka mid yihiin soo celinta midnimada qaranka iyo yaraynta xiisadaha iyo colaadaha ka taagan gobolka Sool ee bariga Somaliland si loo gaadho xal lagu qanci karo xisbiyada iyada oo laga fogaanayo dhiig kale oo ka daata shacabka dalkan barakaysan.
Marka lagu daro feylka dhaqaalaha gudaha, kaas oo u baahan doona dadaal aad u badan si looga gudbo dhibaatooyinka dhaqaale ee hadda jira ee sicir bararka iyo heerka shaqo la’aanta ee gaadhay meel sare.
Faylka dibadeed, waxa uu madaxweynuhu ku qasban yahay in uu helo dheelitirka saxda ah ee lagu heshiinayo danaha Somaliland iyada oo aan wax khilaaf ah ka dhex abuurin dalalka jaarka ah ee ku saabsan heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Somaliland la gashay Itoobiya, kaas oo sababay xiisad siyaasadeed ee meel sare gaadhay beryahan dambe.
Tallaabada la qaadayo ayaa ah si loo xaqiijiyo faa’iidada iyo dheefta ugu badan oo Somaliland ay ka hesho, xoojinta xidhiidhka dhaqaale iyo diblomaasiyadeed ee Itoobiya, Imaaraadka iyo dalalka kale, iyada oo sidoo kale kasbanaysa dhinacyada ay khusayso si loo yareeyo xiisadda gobolka. Waxaan aamminsanahay in arrintani tahay arrin dublamaasiyadeed oo aan madaxweynaha ku adkaan doonin marka loo eego fakarka khibradiisa diblomaasiyadeed ee mudada dheer.