Xabsiga ilaa Madaxtooyada: Afgambiga Hogaamiyaha Cusub ee Madagascar

Saturday October 18, 2025 - 12:40:53
hadhwanaagnews
Ninkaan oo aan hore si weyn looga aqoonin gudaha dalkiisa,...



Madagascar, oo ah jasiirad leh taariikh siyaasadeed oo ay salka ku hayaan isbeddello joogto ah, ayaa markale wajahday kacdoon siyaasadeed oo aan la filayn. Kornayl Michael Randrianirina, ayaa muddo saddex maalmood gudahood ah ku noqday qofka ugu caansan gudaha dalka, kaddib markii uu hoggaamiyay kacdoon ballaadhan iyo dibadbaxyo lagaga soo horjeeday xukuumaddii dhacday.

Kornayl Michael Randriani ayaa si degdeg ah ugu guuleystay inuu la wareego xukunka iyo awoodda dalka, iyada oo aan wax dhiig ahi ku daadan inqilaabkiisa. Isagoo taageero buuxda ka helay cutubka ugu muhiimsan milatariga dalkaas oo uu isagu taliye u yahay iyo iyo qeybaha bulshada rayidka ah.

Ninkaan oo aan hore si weyn looga aqoonin gudaha dalkiisa, ayaa Sabtidii 11 Oktoobar 2025, si lama filaan ah hoggaanka ugu qabtay mid ka mid ah cutubyada ugu awoodda badan ciidamada dalka oo lagu magacaabo CAPSAT. Wuxuu ciidamadaas hor kacay iyadoo ay socdaan mudaaharaadyo ballaadhan oo ka dhan ahaa xukunka madaxweyne Andry Rajoelina, kuwaasoo socday dhowr toddobaad.

Cutubka ciidamada CAPSAT ee uu hoggaaminayo Kornayl Randrianirina ayaa si toos ah ugu biiray dibadbaxayaasha, kuwaas oo ku sugnaa waddooyinka caasimadda Antananarivo, iyada oo dadka dibadbaxayaasha ahi ay dalbanayeen iscasilaadda madaxweynaha.

Mudaharaadyadaas ayaa bedelay awoodda iyo saameynta xukuumaddii Madaxweynihii hoe ee xilka hayay, Andry Rajoelina, ayaa ka cararay caasimadda, halka baarlamaankuna ay isla markiiba u codeeyeen in xilka laga qaaday. Awoodda ciidanka oo markaas gacanta ugu jirtay Randrianirina ayaa mar qudha yeeshay saameyn xasilin ah, halkii laga filan lahaa fowdo.

Kaddib, Kornayl Randrianirina waxa uu si toos ah u tegay aqalka madaxtooyada oo haawanayay, halkaasoo uu warbaahinta ugu sheegay in cutubka uu hoggaaminayay ee ciidamada CAPSAT ay xukunka la wareegeen si loo badbaadiyo dalka.

Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka ayaa isla markiiba ku dhawaaqday inuu yahay taliyaha cusub ee dowladda ku-meelgaadhka ah. Tallaabadaas ayaa si rasmi ah u muujisay dhammaadka xukunkii Rajoelina in kasta oo uu weli ku adkeysanayo inuu yahay madaxweynaha sharciga ah.

Randrianirina waxa uu ahaa nin ku dhex jiray nidaamka ciidamada militariga, isla markaana aan ahayn shakhsi caan ka dhex ah ciidamada iyo dalka intiisa kale toona, sidoo kalena aan caan ku ahayn saaxadda siyaasadeed. Wuxuu ku dhashay tuulada Sevohipoty ee gobolka Androy, koonfurta dalka. Intii u dhaxaysay 2016 ilaa 2018, wuxuu ahaa guddoomiyaha gobolkaas.

Wuxuu markii dambe noqday madaxa guutada lugta ee magaalada Toliara ilaa 2022. Inkastoo aanu lahayn magac siyaasadeed oo weyn, haddana wuxuu ahaa mid si xooggan u dhaliila madaxweyne Rajoelina oo xukunka dalka ku qabsaday afgambi 2009, doorashana ku soo noqday 2018.

Randrianirina wuxuu horey u soo maray xabsi siyaasadeed. Noofambar 2023, waxaa lagu xdhay xabsiga ugu ammaanka badan dalka, iyadoo aan maxkamad la horgeyn, waxaana lagu eedeeyay inuu waday abaabul af-gambi. Dad badan ayaa rumeysan in xadhigiisu uu ahaa mid siyaasadeed.

Saacado ka hor inta aanu xukunka la wareegin, Kornayl Randrianirina wuxuu warbaahinta u sheegay inuu yahay adeege u taagan shacabka. Wuxuu muujiyay kalsooni, furfurnaan iyo wadaninimo uu uga jawaabay su’aalaha, isagoo diiday inuu ku hadlo luqadda Faransiiska, taas oo ah luqadda rasmiga ah ee dalka, waxaanu ku adkaystay in uu qadarin u hayo luqadda Malagasy.

Waxaa lagu sifeeyaa nin toosan, adag oo aan dhib badnayn balse leh aragti fog oo ku saleysan xorriyadda dalka. Wuxuu dhaliil adag u jeediyay saameynta Faransiiska ee weli ka muuqata gudaha siyaasadda dalkiisa, isagoo sheegay in aanu rabin inuu xoojiyo carabka gumeysiga.

Randrianirina wuxuu sheegay in ciidamada militariga ay sii maamuli doonaan dalka muddo laba sanno ah, iyadoo ay jirto dowlad rayid ah oo garab socota, si loo diyaariyo doorashooyin xor iyo xalaal ah. "Muhiimaddeennu waa daryeelka bulshada,” ayuu yidhi, isagoo muujinaya in ka hortagga saboolnimada iyo wax ka qabashada adeegyada liita ay yihiin mudnaanta koowaad.

     
Loading...