Dhaqaalaheenu wuxuu ku xidhanyey biiadda iyo xayawaanka
Marka u horaysa waa in la is weydiiyaa horuumar Wadan muxuu yahay? Oo cilmibaadhid lagu sameeyaa horuumarka SOMALILAND u baahantay muxuu yahay.
Caqliga DADKEENA KU JIRAA IMIKA WAA INUU WADANKU YAHAY XEEDHO WAX LA CUNAA KU JIRO IYO SIDII XEEDHADAA LOO WADAAGI LAHAA. WADANKU XEEDHO CUNTO KU JIRTO MAAHA OO WEEL IYO FANDHAALO IYO DHURAYAAL LOO SOO QAATO IYO WAANU QADNAY IYO WAANU DAADIN IWM. HORUUMARKA WADANku WUU KA XEEL DHEERYEY INTAA.
Wadanku waa dhul iyo bad nimco Allah ka dhigay waana inagu ammaano, Allah baana iska leh. Wuxuu Allah ina yidhi manaafacaadsada oo ilaaliya oo xayawaanka. Cayayaan iyo dhirta ii ilaaliya.
Dhaqaalaheenu wuxuu ku xidhanyey biiadda iyo xayawaanka iyo dadka marka aanay noqon shaydaaniyiin wax dumiya. Dhaqaalaheenu kuma xidhna dhismayaal iyo jagooyin la dayrto , intaasi qof iyo caailadii dhisatay uun bay anfacaan ee wadanka dhaqaalihiisu kuma xidhna aqalo iyo hotel lo. Dhaqaalaheenu wuxuu ku xidhanyey miyiga iyo xoolaha iyo dhirta iyo xayawaanka welina maynaan fahmin.
Dad badanbaa ku andacooda xayawaankii boqol sano ka hor ku noolaa wuu yaacay oo Kenya ayuu tegay, waa been-cad iyagu koodii bay dhaqdeen oo ilaaliyeen inagu xayawaankeennii iyo dadkiiba HARRAADBAA MADHIYEY welina madhiya waayo nooluhu biyohay iyo noloshu dhir dad iyo xayawaanba ku nool yihiin.
MIYIGEENA BIYO XIDHEENO AYEY U BAAHAN YIHIIN DHULKA DOOXYADA LEH OO DHAMI , RIIGAGGU INAMA ANFACAAN WAAY ENGINEERING KA AAD BAYNU UGU DAMBAYNAA IYO FARSAMOYAQAANADA.
REER MIYIGA WAXAY U BAAHANYIHIIN BIYO, WADO, XARUNO CAAFIMAAD IYO WADOOYIN WAAYO QAXOONTIGA UGU BADAN EEN LA TIRIN LANA DHAADIN EE MAGAALOOYINKA KU SOO QULQULAYAA WAA REER MIYIGEENA
WAXAY U BAAHAN YIHIIN DUGSIYO HOOSE IYO MULCAAMADO TAYO LEH IYO INA LA BARO SIDA CUNTO LOO BEERTO.
Waxaa aniga ii mooqata ilaa horuumarka iyo isbedlka aan kasoo bilawno dadka reer miyiga iyo dhaqaalaynta xoolaheena inaynaa ku horuumarayn fooqaq qurux badan oo la dhiso oo dad yari iska leeyihiin.
XUKUUMADDA CUSUB WAXAA LOOGA FADHIYAA FIGRADO CUSUB IYO WAXQABADO CUSUB IYO CURIN CUSUB . REER HEBEL WASIIRO LOO QAYBIYAA ISBEDEL CUSUB MAAHAA HADDAANAY XAMBAARSABAYN MASHAARIIC AAN HORE LOO CURIN.
DADKA MADAXDA LAGA DHIGAYAA WAA INAY NOQDAAN DAD WAX AKHRIGOODU AAD U BADAN
QAF AAN KU CAAN AHAYN WAX AKHRIGA WAA INAAN MADAX LAGA DHIGAN WAAYO HADAL IYO TELEPHONE IYO SUUDH WADANKA MA ANFACO.
Tusaale: waxaa wadanka jooga rag iyo dumar adduunkoo dhan qaxoontiyadooda 40 sano in ka badan boqolaal wadan kasoo shaqeeyey. Madax badan oo hay adaa adduunka ee qaxootiga wax kasoo maamulay oo jooga marksaa Mr Xinnif oo kale on waxbarasho weligii gelin aynu Qaxootiga Somaliland U dhiibnay iyo qaar kaloo badan. Wixii Xukuumaddii MUSE Biixi wadanka ku samaysay oo kale waa in laga dheeraadaa.
WA BILAAHI TAWFIIQ
QORAA MOHAMED BASHE.