Fariinta Doorashada Somaliland

Monday November 11, 2024 - 17:15:22
Hadhwanaag
Bismillaahi Raxmaani Raxiim



Waxaan ku barbaaray kuna indho dilaacsaday dawlidnimada Somaliland, horumar iyo hir kastoon gaadhana abaalkeeda waxa leh Somaliland, mana gaadheen wanaaga aan haysto ILAAH sokadii Somaliland la’aanteed. Somaliland waa u hoy, hooyo iyo hanti aniga iyo malaayiinta kale ee ku nool.Sidaasaawadeed ilaalinta wada jirkeeda, wax wada lahaanshaheeda iyo isku wadkeedu waa waajib saaran qof kasta oo inaga mid ah.

7dii sanno ee inasoodhaafay, gaar ahaan wixii ka dabeeyay doorashadii golayaasha wakiilada iyo deegaanka, waxa muuqata inay Somaliland qaaday waddo qaldan oo ay sababtay kursi jacayl. Amani xumo, boob hanti dawladeed, sirdoon kabaxsan kii dawlada, cabudhinta xoriyatul qawlka, jabahado hubaysan, isku dirka dadka wada dhashay, go’doon siyaasadeed oo gudo iyo dibadba ah. Wadankii badhbaa la jaray oo maanta Sool iyo Sanaag Bari waa baxeen mana muuqato si loo soo celinkaro.

Dhibaatooyinkaasi waxay dhaceen oo dhacayaana inta ay jirtay xukuumadan maanta talada haysa. Hadday soo noqdaan sidaas ayay ku wadayaan. Sidaas aawadeed waa lagamaarmaan in aynu Somaliland ka leexino wadada ay ku jirtay 7dii sanno ee la soo dhaafay oo u eeg dabayaaqadii 80kaadkii markii dawaladii Soomaaliyeed burburaysay.

Si taas loogaadho, waxaan ka codsanayaa muwaadinkasta in inaga oo gacmaaa is haysana aynu u codayno isbahaysiga isbadal doonka Somaliland ee uu hogaaminayo Dr Craxmaan M Claahi Cirro

Ugu danbayn, doorashadu waxay leeday xafiiltan badan taas oo layswaydaarsado ereyo iyo hadal xanaf badan. Dadka dhawaan araga ahi run ayay moodaan hadaladaas, sidaas aawadeed qof walawba murashaxa iyo ururka aad taageertaaba codkaliya ayay ku leeyihiin. Wax intaas ka bada kuguma laha, sidaas aawadeed nabad ku codee, ogowna inay Somaliland jirtay jirina karto murashaxaaga iyo ururkaaga la’aantii, laakiin murashaxaaga iyo ururkaagu Somaliland la’aanteed aanay jiri Karin.

Abdikarim Ali

University of North Dakota

Grand Forks, ND

United States

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...