Taliyaha guud ee ciidanka Booliska S/land, Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, ayaa shir amniga muhiim u ah kula qaatay taliska Ciidanka, Saraakiisha, Hogaamada, iyo taliye qaybeedada Ciidamada Booliska.
Kulankan ayaa si gaar ah looga hadlay nabadgelyada guud ee dalka iyo amniga doorashada, iyadoo si qoto dheer loo falanqeeyay sidii loo hubin lahaa in doorashada ay u dhacdo si nabadgelyo ah oo amnigeeda la hubiyay.
Taliyaha ayaa sidoo kale ku booriyay saraakiisha iyo taliyayaasha qaybaha ciidanka booliska in ay sii wadaan dadaalkooda iyo feejignaanta si loo sugo nabadgelyada guud ee dalka iyo doorashadaba.
Kulankan muhiinka ah ee uu taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland la yeeshay saraakiisha iyo Hagaamada ciidanka ayaa ahaa mid u reeban adkaynta amniga guud ee dalka iyo sidii loo sugi lahaa amniga goobaha codbixinta iyo muwaadiniinta dhiibanaya codkooda iyo guud ahaan amniga doorashada.
Kulankan ayaa la isla qaatay in la adkeeyo amniga guud ee dalka isla markaasina ay guud ahaan Ciidanka Boolisku xoojiyaan ilaalinta iyo adkaynta amniga guud ahaan dalka gaar ahaana goobaha codbixinta iyo doorashooyinka ay muwaadiniintu u dareerayaan.