Kayse, ayaa Wasiirrada iyo Wasiir ku-xigeenada u faahfaahiyey xogta...
Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha JSL Mudane Maxamuud Cige Yuusuf iyo Wasiir ku-xigeenka Beeraha Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax, ayaa ka qayb-galay shir hor-dhac ah oo ku saabsan Mashruuca FSRP oo Baanka Adduunku Maalgeliyo.
Shirkan oo ay sidoo kale goob-joog ka ahaayeen Wasiirrrada iyo Wasiir ku-xigeenada Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha & Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada, ayaa waxa xidhiidhiyaha Mashruuca Mr. Kayse Axmed Maxamed (Jeelle).
Kayse, ayaa Wasiirrada iyo Wasiir ku-xigeenada u faahfaahiyey xogta ku saabsan sida uu mashruuca oo ay 3-da Wasaaradood wadaagaan u shaqeeyo, waxa u qabsoomay iyo waxa u qorshaysan lixda bilood ee soo socda.
Shirka ayaa ka dhacay Xafiiska Wasiirka Xanaanada Xoolaha..
...........................