Xaflad calan-taag ah ayaa xalay lagu qabtay xarunta Qaramada Midoobay ee New York si loogu dabaaldego shanta xubnood ee cusub ee aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee 2025-2026: Denmark, Griigga, Pakistan, Panama, iyo Soomaaliya.
Safiirka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Baalle, ayaa sheegay in ka mid noqoshada Golaha Ammaanka ay xoojin doonto doorka Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamiga ah, isla markaana u oggolaan doonto inay si firfircoon uga qayb qaadato xallinta caqabadaha caalamiga ah.
Baalle wuxuu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay ka shaqeyn doonto danaha Afrika, gaar ahaan difaaca mowqifkeeda ku aaddan khilaafaadka Geeska Afrika iyo arrimaha guud ee amniga gobolka.
Shanta waddan ee la beddelay ayaa kala ahaa Ecuador, Japan, Malta, Mozambique, iyo Switzerland.
Kairat Umarov, Safiirka Kazakhstan ee Qaramada Midoobay, oo xafladda guddoominayay, ayaa hambalyo u diray xubnaha cusub ee golaha wuxuuna u rajeeyay guul intii lagu guda jiray muddadooda labada sano ah.
Xafladda calan-taagga ee xubnaha cusub ee Golaha Ammaanka waxaa markii ugu horreysay bilaabay Kazakhstan sanadkii 2018.
Amar Bendjama, Safiirka Algeria ee Qaramada Midoobay oo ah Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee bisha Janaayo, ayaa uga mahadceliyay xubnaha baxaya dadaalkooda wuxuuna si diirran u soo dhaweeyay xubnaha cusub.
Wuxuu sheegay in ay tahay "sharaf weyn" iyo "mas'uuliyad weyn" in lagu shaqeeyo Golaha Ammaanka, isaga oo ku baaqay dhammaan xubnaha golaha inay si aan kala go' lahayn iyo si waxtar leh uga shaqeeyaan xallinta caqabadaha caalamka horyaalla "iyo inay taageeraan qiyamka iskaashiga caalamiga ah."
Wakiillada joogtada ah ee shanta xubnood ee cusub ayaa khudbado kooban ka jeediyay ka hor inta aysan rakibin calammadooda qaran ee horteeda Qolka Golaha Ammaanka.
Golaha Ammaanka oo ka kooban 15 xubnood wuxuu leeyahay shan xubnood oo joogto ah — Britain, Shiinaha, Faransiiska, Ruushka, iyo Mareykanka — iyo 10 xubnood oo aan joogto ahayn oo loo doorto muddo laba sano ah ayadoo ay soo doorato Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Shan xubnood oo aan joogto ahayn ayaa la beddelaa sannad kasta.
Soomaaliya iyo doorka kursigan cusub
Kursigan ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad gaar ah oo ay baahisay Madaxtooyada Soomaaliya ku sheegay in tallabadani ay "u tahay cutub cusub oo hoggaamanaya gobolka iyo nabad ilaalinta".
Madaxweynaha ayaa sida oo kale u tahniyadeeyey shacabka Soomaaliyeed isaga oo sheegay in ay meteli doonaan Midawga Afrika iyo Jaamacadda Carabataba, xilli ay u taagnaan doonaan guud ahaan caddaaladda.
Dhanka kale, mar wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi wax laga weydiiyay xilli hore matalaadda kursigaan oo ay ku matalayaan gobollo ku yaal bariga Afrika kuwaas oo qaarkood ay Soomaaliya ay is hayaan iyo sida ay ugu cadaalad falayaan ayaa waxa uu sheegay in dhamaantood ay si caddaalad u meteli doonaan.
Wasiirka ayaana sheegay in kursigaan "ay ku caddaalad fali doonto dowladda Soomaaliya oo aysan ka suuroobin adduunkana aysan ka aqbaleyn caddaalad darro."
Sanadihii lasoo dhaafay, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika (AU) ayaa door muhiim ah ka ciyaarayay sidii dib loogu yagleeli lahaa maamul dhexe.
Soomaaliya ayaa sidoo kale dagaal kula jirta kooxda al-Shabaab oo weli ku sugan qeybo dalka ka tirsan.
Xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha waxaa loo qoondeeyaa gobol, laakiin si ka duwan shanta xubnood ee joogtada ah ma laha awoodda diidmada qayaxan.
Midowga Africa ayaa dabada ka riixayay in Afrika ay golaha ku yeelato labo wakiil oo joogto ah iyo laba kursi oo dheeraad ah oo ah wakiillo aan joogto ahayn.
Go'aamada Golaha
Nidaamyada goluhu waxay saadaaliyaan in shaqadiisa ay ku dhacayso shirar rasmi ah, halkaas oo go'aamo iyo talooyin kale lagu soo bandhigo, wax ka badel lagu sameyo laguna codeeyo. Si kastaba ha ahaatee, in badan oo ka mid ah doodaha golaha waxa ay ku yimaadaan gorgortan aan rasmi ahayn.
Goluhu wuxuu ku shaqeeyaa inta badan wax ku saleysan is-afgarad, badanaa go'aamada, iyo sidoo kale dhammaan noocyada kale ee dukumeentiyada rasmiga ah, ayaa lagu ansixiyay is-afgarad.
Nidaamyada sida "la-tashiyada aan rasmiga ahayn ee guud", halkaasoo xubnaha goluhu ku kulmaan si gaar ah iyada oo aan la haynin diiwaannada rasmiga ah, waxay oggolaadaan in natiijooyinka lagaga xaajoodo bannaanka, iyo inta badan, shirarka rasmiga ah.
Dhammaan waxyaabaha aan soo xusnay waxay xubnaha aan joogatada ahayn ee Golaha Amaanka siinayaan fursado ay ku hantaan awood iyo sidoo kale galaangal siyaasadeed, waana waxa ay hadda raadinayso Soomaaliya.
Soomaliya waxay fursaddan heshay laba sano oo ahaa 1971-1972, waxaana dabcan ka carqaladeeyay in ay fursad kale hesho dagaalladii sokeeye iyo dowlad la'aanta muddada ka jirtay dalka, hadii ay hadda ku guuleysato waxay noqonaysaa markii labaad ee ay Soomaaliya fursaddan hesho.
BBC/SOMALI